Dalka Senegal Oo Sucuudiga U Diraya Ciidamo Ka Ilaaliya Xuutiyiinta Yemen Si Aanay Xadka Uga Soo Gudbin

0
565

Picture2Dakar (Geeska)- Dalka Senegal oo dhaca woqooyi-galbeed ee qaaraddan Afrika ayaa lagu wadaa in uu maalmaha foodda inagu soo haya ciidamo milateri ah u diro dalka Sucuudiga si ay qayb uga noqdaan, isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Ciidamadan oo kuwa lugta ah waxaa la filayo in la geyn doono xuduudka u dhexeeya Yemen iyo Sucuudiga si ay u sugaan amniga xadkaas oo laga cabsi qabo in xooggaga Xuutiyiinta iyo ururrada Islaamiyiintu si qarsoodi ama xoog ah uga soo gudbaan.

In kasta oo go’aankan dalkan Afrikaanka ahi uu ciidamada tiradoodu dhan tahay 2100 ugu dirayo dalka boqortooyada Sucuudigau uu dad badan lama filan ku noqday, haddana waxaa xusid mudan in aanay markani ahayn markii ugu horreysay ee ciidamada dalka Senegal ay cago dhigtaan dalka Sucuudiga.

Ciidamo intan ka tiro yar ayaa uu dalkan Senegal 24 sano ka hor u diray dalka Sucuudiga, si ay gacan uga geystaan hawlgal milateri oo lagu sugayey ammaanka goobaha Barakaysan ee magaalada Maka, oo xilligaas uu ka dhacay hawlgal hubaysan oo xaramka gudihiisa ay ka fuliyeen kooxo Shiico xag-jir ahi. Nasiib darro hawlgalkaas hore ee Senegal ciidamadeeda ku geysay Sucuudigu waxa uu ku dhammaaday shil naxdin leh, oo ahaa burburka diyaarad milateri oo ay saarnaayeen ciidamada Senegal, halkaas oo ay ku nafwaayeen 92 askari oo ka tirsanaa milateriga Senegal ay u soo dirtay hawlgalka ilaalinta Xaramka Makah.

Madaxweynihii dalka Senegal ee xilligaas Cabdoo Diyoof ayaa ay dadka ku dhaliilayey go’aankan uu ku qaatay in uu ciidamo u diro Xaramka, waxa ay ku eedeynayeen in aanu ka madhnayn dama dhaqaale oo si hoose dalka Sucuudigu ugu abaal gudayo Senegal.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee BBC qaybteeda Afrika, ayaa lagu sheegay in dadka reer Senegal, gaar ahaan jiilka siyaasadda dalkaas ku cusubi ay dood adag kala hor-yimaaddeen taladan uu dalkoodu ciidamada ugu dirayo Sucuudiga. Qaar badan oo ka mid ahina waxa ay madaxweynaha hadda ee dalkaas Macky Sall ku eedaynayaan in uu isla sababtii madaxweyne Diyoof oo kale isna uu uga faa’idaysanayo ciidamadan uu u dirayo Sucuudiga. Gaar ahaan waxa ay isku xidhiidhinayaan dhawaaqii dhowaan uu madaxweyne Sall ku sheegay in boqortooyada Sucuudigu ay maalgein weyn ku samayn doonto barnaamijka horumarinta dalka Senegal ee ay dawladdiisu waddo.

Dalka Senegal oo dadkiisu qiyaas ahaan boqolkiiba 92 Muslimiin sunniya yihiin ayaa noqonaya dalka keliya ee aan isir ahaan Carab ahayn ee ka ka qayb qaadanaya dagaalka isbahaysiga Sucuudigu hoggaaminayaa ka wadaan dalka Yemen, waxase uu noqonayaa dalka saddexaad ee Afrikaan ah ee isbahaysigan ku jira, Iyada oo Isbahaysigan hadda ka mid yihiin dalalka, Sucuudiga, Baxrayn, Kuweyt, Qadar, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Marooko, Masar, Urdun iyo Suudaan.

Milateriga dalka Senegal ayaa sumcad fiican ku leh dunida, waxa uu kaalmaha ugu horreeya kaga jiraa ciidamada ugu tababarka fiican qaaradda Afrika, sidoo kale waxa ay anshax wanaag ku kasbadeen hawlo nabad ilaalin ah oo ay ka qayb qaateen afar dal oo Afrika ah oo Soomaaliya ku jirtay iyo weliba dalal kale oo ay hore u soo mareen, sida Haiti iyo Lebanon.

Si kastaba ha ahaato ee Yemen maanta waa dal uu dhiig badani qul-qulayo, hawsha loo tagayaana waa ka qaybgal toos ah oo la filayo in ciidamada Senegal kaalin qaadan doonaan dagaalka adag ee ka socda, loogamana tusaale qaadan karo kaalinta ay ciidamadani hore uga soo qaateen hawlgalladaas hore oo dhammaantood nabad ilaalin ahaa, khasaaraha ka imanayaana aad u yaraa, si kastaba ha ahaato ee lama saadaalin karo sida rayulcaamka dalka Senegal oo qudhiisu dagaallo sokeeye soo maray uu diyaar ugu yahay in uu aqbalo khasaaraha nafeed ee ciidanka dalkaas ka soo gaadhi kara dalka Yemen ee aadka uga fog.