Salaadiin iyo Odayaal Taageeray In Guurtida Loo Madaxbanaaneeyo Hawlaha Muddo Kordhinta

0
518

Picture3Hargeysa(Geeska)-Odayaal, cuqaal iyo salaadiin ka soo jeeda Beelaha Subeer Awal, ayaa ku taliyay in golaha guurtida loo daayo muddo kordhinta ay ku hawlanyihiin iyagoo taageero u jeediyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Caaqil Aadan Cabdillaahi oo ka mid ah cuqaasha Subeer Awdal oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi

“Caaqil iyo Suldaan Midna waxba Mayeelayo Qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland,Nimanka Guurtida waxaan Qalooc u Arkaa Nimanka Dhaleecaynta ula Taagan iyaga oon waxba Galabsan Afkoodana Hadal Laga Maqlin waxaan u arkaa Fadeexad Aan qaban,waxaan leeyahay Saddex waa laga Ducaystaa Suldaan Siyaasad Looga Taag waayay waa laga ducaystaa Markaas Intaas hadaynaan ka Ducaysan Dhib kale Majirto,Haday Guurtideena iyo Komiishanka haday wax inoo kordhiyaana waa wax jeeb keena Ah oo inaga ayaa iska leh.”

Wuxuu ku taliyay in la ilaaliyo degenaanshaha iyo nabadgelyada dalka.

Waxa isna madasha ka hadlay Caaqil Axmed Faarax Diiriye oo kamid Cuqaasha Beesha Subeer waxaanu  sheegay in Qaranimada iyo Jiritaanka somaliland tahay lama taabtaan, waxaana uu dul istaagay qiimaha Guurtidu inoo leedahay,. “Haday Guurti Tahay inaga ayaa samaysanay,Nabada Haday tahay anaga ayaa keenay waxaana ay dhamaan inoon yihiin Lama taabtaan,dawladuna meel kale kamay iman waa tii Aanu u soo dhimanay,Maantana Qofkii Doonaya inuu si dhib yar u wax yeleeyo Kayeeli mayno qofkaasna waxaan qabaa inuu yahay cadawga ina dhex fadhiya uune,dalka waxa aynu u dhiibanay Rag Caynaanka haya waxaan loo baahan yahay in aynu ku daba fadhiisano ragaas.” Ayuu yidhi Caaqilku.

Suldaan Xuseen ismaaciil Geele ayaa isna ammaanay Madaxweyne Siilaanyo . “Madaxwayne siilaanyo xilka uu hayo cidna kama eryi karto nina hadal kagama kaxayn karo inta uu haynayo wuu haynayaa caqli iyo Garasho wuu leeyahay maanta mudo kordhinta waa loo samaynayaa sidii loogu samayn jiray Dawladihii tanba ka horeeyay,Dalkan iyo dadka waxa uu gaadhsiiyay himilo wanaagsan mucaaradna dalkan waxba uma tarayo iyo madal Aan sharci Ahayn,Siilaanyo kacdoon shacab ayaa lagu doortay maanta codkaas ayaa lagaga qaadi karaa Lakiin nina Qaylo iyo caytoona kuma kasban karo shacabka somaliland waxaan leeyahay shacaboo nin Aan kuu furi Doonin Yaanu kuu rarin.”

Suldaano iyo ugaasyo sidoo kale Madasha hadal ka jeediyay waxa ay sheegeen in Ay beeshooda Subeer awal tegeero midaysan lagarab taagan tahay xukuumada iyo xisbiga kulmiye iyagu cod ku soo saareen maanta la garab taagan yihiin.

Shirkan ayaa loogu jawaabayay oo daba socday shir ay khamiistii qabteen wax garadka iyo salaadiinta Beelaha Subeer Awdal kuwaas oo ugaga digay golaha guurtida inay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan wakhtiga ay guddiga doorashooyinku doorashada u cayimeen.