Bandhiggii Buugga Warqaddii Reer Berbera

0
636

Picture5Buugga Warqaddii Reer Berbera wuxuu ka warramaysaa  taariikh  soo taxnaa 1825 ilaa 1837.

Taariikhdaasi waxay  daarnayd doon la odhan jiray Mary Anne lagana lahaa boqortooyadii Ingriiska, oo bagaash sidda ayaa ku soo xidhatay Berbera, waana markii ugu horraysay ee doon reer galbeedku leeyahay timaad marsada Berbera. Dadkii reer Berbera waxay u qaadan waayeen in doon ama ganacsi aan carabta ahayni in marsada Berbera ku soo xidho, dadkuna waxay ahaayeen kuwa diinta ka dhisan oo xidhiidh la yeellashada gaallada necbaa.

Arrimahaasi waxay keensatay khilaaf ku dambeeyey in la is dilo iyo in magaalada Ingiriisku go’doomiyo, ka dib waxay reer Berbera u qayllo doon dirteen Sheekh Suldaan Bin Saqar Al-Qaasimi.

Buuggani ka dib waxa uu dabogal ku sameeyey Risaalladaas Odayaasha reer Berbera qoreen, raacdayn dheer ka dib waxa uu buuggu soo gudbinayaa qodobadan hoos ku xusan:

Warraysiyo laga soo qaaday odayaal da’ah oo taariikhda wax badan ka hayey. Odayaashu waxay wada xaqiijinayaan in 1825 Doon timid marsada Berbera, ka dib ay dheeliday  dhagax ay jiidhay awgeed, markii la maqlayna dadka qaar boobeen, halkaana ciidamo Ingiriiska ka socdaa magaalada yimaaddeen oo go’doomiyeen, waxa kale oo warraysiyada ku jira in heshiis lala galay Ingiriiska kuna salaysan magdhow reer Berbera ka bixinayaan wixii hanti ah ee laga waayey doonta.

Waxa kale oo buuggu soo helay warqaddii heshiiska ku kala saxeexdeen Ingiriiska iyo Odayaasha reer Berbera, taasina waxay muujinaysaa dhacdadaasi in ay sugan tahay.

Waxa kale oo buuggu soo oroorinayaa gabayo la tirshay xiligaa wakhti inyar ka sokeeyey, waxaana gabayadu xusayaan in dhimasho badan ka soo gaadhay reer Berbera dagaalkii Ciidamada Ingriisku ku soo qaadeen.

Waxa uu buuggu soo xiganayaa risaallada odayaashu qoreen, warqaddana cidda loo qoray ahayd Al-Sheekh Suldaan Binu Saqar Al-Qaasimiyi.

Waxa kale oo buuggu soo xiganayaa Dr Suldaan Bin Maxamed Al-Qaasimi, oo ah tafiirta Sheekh Suldaan Bin Saqar. Suldaan Bin Maxamed waxa uu si cad u qeexayaa in warqadda laga qoray magaalada Berbera, taasi waxay meesha ka saaraysaa in meel aan Berbera ahayn laga qoray sida ay ku doodayaan dad kale oo taariikhda marin habaabiyey.

Buuggu waxa uu xusayaa xog-ururinta dheer ee la sameeyey ka dib, in warqadda ayna qorin dad kale oo aan ahayn reer Berbera, waxaana uu buuggu keenayaa xog dhamaystiran, sidoo kale waxa uu buuggu xusayaa dadka sida khaldan u soo guuriyey taariikhdaas.

Buuggu waxa uu soo xiganayaa Aw Jaamac Cumar Ciise buuggiisa magaciisu yahay Taariikhda buunigii mujtahidka ahaa Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi (1789-1852), laguna daabacay Sanca Yamen.  Isaga oo buugga Warqaddii reer Berbera soo gudbinayo sida uu Aw Jaamac u marin habaabiyey taariikhdaas, iyada oo buuggan ku xusay sida badheedhka ah uu u leexiyey warqaddaas, waxa kale oo xusnay is-burinta cad ee buugga Aw Jaamac ka muuqata Alle ha u naxariistee.

Waxa kale oo buuggu xusayaa dad kale oo iyaguna si khaldan u majaro habaabiyey, waxa gudaha buugga loogu tagayaa magacyada lagu sheegayo in ay qoreen sida ayna u noqon Karin. Waxa kale oo buuggu si cad u burinayaa dadka ku dooddaya in ay qoreen odayaal aan ahayn deegaanka Berbera.

Buuggu waxa kale oo uu soo xiganayaa Qoraa Axmed Barkhad Jaamac, buugga uu qoray magaciisuna yahay Wasaa’iq Can Soomaal Wal Xabasha, Wa Eriteriya, Axmed waxa uu soo aroorinayaa Risaalladaas inkasta oo uu sheegayo in uuna dabagal badan ku samayn ciddii qortay.

Buuggu waxa uu keenayaa tixraacyo dhamaystiran, taas oo marka taariikh laga warramayo looga baahan yahay, si wixii shaki ah meesha looga saaro, taariikhduna noqoto mid sugan oo biyo kama dhibcaan ah.

Waxa kale oo xusid mudan in xog-ururin dheeri ah gacanta aan ku hayo, taas oo u diyaarsan in daabacaadda labaad lagu soo saaro sida ugu dhakhsiyaha badan. Sidaa awgeed buuggani waa buug u yagleelan baadhitaano taariikheed, isaga oo soo xiganaya Risaallada odayaasha Berbera qoreen, sidoo kale labada dhigane ee ay kala qoreen Axmed iyo Aw jaamac.

Fiiro gaar ah: buuggani maaha mid qabyaaladeed, mana aha mid umadda lagu kala durkinayo, kaliya waxa uu buuggani xusayaa taariikhdaa ay reebeen odayaashii reer Berbera.

Buugga waxa laga heli karaa ruggaha buugta lagu iibiyo, sida Redsea Online, Al-Xuseeyni, Universal Book shop iyo kuwo kale oo badan.Qoraaga Buugga

Xuseen Xasan Xuseen