Hay’adda Oxfam Oo Gaadhi Landcruiser Ah Ku Wareejisay Wasaarada Kaluumaysiga

0
583

Picture3Hargeysa(Geeska):-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo hay’adda Oxfam ay gaadhi landcruiser ah ugu wareejinaysay wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada, ayaa shalay lagu qabtay xarunta wasaaradaasi ee magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibadan gaadhiga lagu wareejinaayey ka soo qayb galay wasiirka wasaarada kaluumaysiga, wasiir ku xigeenka, agaasimaha, madaxa hay’adda Oxfam, saraarkiil sar sare oo ka socotay midawga yurub, iyo marti sharaf kale.

Madaxa hay’adda Oxfam Md:Cabdiraxmaan Caydiid oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey gaadhigan ay ku wareejiyeen wasaarada kaluumaysiga, waxaana uu tilmaamay in gaadhigani uu qayb ka yahay mashaariic balaadhan oo la xidhiidha dhinaca kaluumaysiga ah oo ay hay’adda Oxfam ka hirgalinayso dalka, waxaan uu xusay in gaadhigana uu wasaarada ka caawin doono in ay u isticmaalaan meelaha fog fog ee xeebaha Somaliland.

 “Waxaynu halkan isagu nimi in wasaarada kaluumaysiga lagu wareejiyo  gaadhi loo isticmaali doono shaqada wasaarada oo kamid ah mashruuc ay hirgalisay  midawga yurub oo ay fulinayso hay’adda Oxfam, gaadhigaas oo ah nooca looyaqaan Landcruiser , Four wheel drive (4WD) oo loogu talagalay in loo isticmaalo meelaha ay adag tahay in lagaadho ee fog-fog ee wasaarada Kaluumaysigu ka wado shaqadeeda ee ay ku noolyihiin bulshada kaluumaysatada ahi. Runtii gaadhigani waa mid ka mida waxyaabaha mashruucu qabanayay, hasayeeshee mashruucu intaasi wuu ka badanyahay, guud ahaana waxa uu ku saabsanyahay dhismaha awooda wasaarada Kaluumaysiga si ay wasaaradu u gudato masuuliyadii ay qaranka u haysay, waxyaabaha ugu mihiimsan ee ay qabanayaana waxaa kamid ah in wasaarada la keeno khubaro caalamiya oo ku takhasusay hawlaha kaluumaysiga si ay uga dhinac shaqeeyaan shaqaalaha kale ee jooga wasaarada, shaqaalahuna ay uga faa’iidaystaan hadhaw aqoonta kaluumaysiga, wasaaraduna sidaasi ay hawsheeda ku gudato”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Caydiid.

Md:Cabdiraxmaan Caydiid oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu u mahad celiyey mas’uuliyiinta wasaarada kaluumaysiga, waxaana uu yidhi:“Waxaan u mahadnaqayaa wasaarada Kaluumaysiga  iyo xukuumada Somaliland- ba in marka la eego qorshaha horu-marinta qaranka  in uu Kaluumaysigu kaga jiro runtii meel aad u fiican, muhiimad badana runtii la siiyay taasina runtii waxay suuro galinaysaa in ay hay’addaha ka shaqaynaya oo ay ku jirto Oxfam- ba ay dhiiri galiso.”.

Waxaa sida oo kale halkaasi ka hadashay Mrs.Susan oo ah mas’uul sare oo ka socotay Midawga Yurub, isla mar ahaantaana ah hay’adda mashruucan kaluumaysiga maalgalinaysa, waxaana ay sheegtay in ay ka hay’ad ahaan lacag aad u badan ay ku bixinayaan mashaariic balaadhan oo lagu horumarinaayo sidii loola soo bixi lahaa khayraadka bada, waxaana ay sheegtay in gaadhigan iyo mashaariic kaleba ay ka mid yihiin barnaamijyada horumarineed ee dhinaca kaluumaysiga ah ay ugu talo galeen, iyada oo sheegtay in mashaariicdaasna ay hirgalinayso hay’adda Oxfam.

Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada Md:Cali Jaamac Faarax Buureed, oo ugu danbeyntii isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu si aada ugu mahad celiyey hay’adda Oxfam  oo uu sheegay in ay tahay hay’adda mashaariicda ugu badan ee lagu horumarinaayo dhinaca la soo bixitaanka khayraadka bada la wada wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada. Waxaa kale oo uu u mahad celiyey Midawg Yurub ee maal galinaaya mashaariicda horumarineed.

“Waxaan aad ugu mahadnaqayaa wafitiga midawga yurub (EU) – da iyo sidoo kale hay’adda Oxfam oo iyadu mashruucan hirgelinaysa runtiina mashaariicda imika wasaarada ka socota ay iyagu hormood ka yihiin oo ay wadaan oo ay xagooda ka timid, Oxfam-na ay hirgalinayso mashruucan aynu hada hawshiisa gacanta ku hayno, aad baanan ugu mahad naqaynaa  Oxfam oo iyadu mashruucan qaybteedii hore fulinaysay khuburadiina way keeneen shaqadoodiina way socotaa, maantana gaadhigan ayay nagu wareejinayaan oo kamida mashruuca, aad iyo aad baanan ugu mahadnaqayaa Oxfam iyo EU-daba, mashaariicdana waxay ka mid tahay  waxyaabihii lagu gaadhi lahaa hiigsiga umadani  ee ah sidii umdani u gaadhi lahayd inay lasoo baxaan khayraadka ku jiraha bada.”.Ayuu yidhi Md:Cali Jaamac Faarax Buureed.