Maayarka Hargeysa Oo Soo Bandhigay Ishaarooyinka Kala Hagaya Gaadiidka Caasimada

0
457

Picture2Hargeysa(Geeska)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shalay sheegay inay u yimaadeen qalabkii gaadiidka kala haggi lahaa, isla markaana amaawiir ka soo saaray ku dhaqanka nidaamka ishaarooyinka lagu xidhi doonno isgoysyadda caasimadda.

Maayar Soltelko ayaa sheegay in qofkii ku xadgudba ama jiidha Ishaarooyinka laga qaadi doonno hal milyan oo Ganaax ah,waxaanu dadweynaha gaadiidka wadda ku booriyey inay u hogaansamaa shuruucdda ishaarooyinka loo marro.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Caydiid oo ka hadlaya qalabkan ay dirsadeen ee caasimadda soo gaadhay waxa uu yidhi“waxa noo farxad in aanu halkan ku soo bandhigno ishaarooyinkii caasmada qaybtiisii u horeysay oo lagu rakibi doonno lix isgoys, mid waliba dariiqii aanu ugu tallogalnay ayaa lagu soo rekoydh gareeyey sida aad aragtaan caalamahooga”.

Maayarka oo dadweynaha ku boorinaya inay xaq dhawraan nidaamka loo maro Ishaarooyinka iyo qofkii jiidha ishaarooyinka waxa lagu ganaaxi doonno, waxa uu yidhi “marka la xidho waa in loo hogaansamo oo la xaqdhawro Oo qof waliba xaq dhawro cidii jiIdha waxa lagu xukumi doona ganaax culus, qofki ishaarada jiIdha ciidamada waddo marasita waxaan ogaysiinayaa in qofkii jiidha laga qaado hal milyan oo shilin, askariga qabta shan boqol oo kun ayuu leeyahay, shanta kalana dawlada hoose leh,waxaan leeyahay dadweynaha ilaaliya ishaarooyinka”.

Ishaarooyinkan ayaa waxay ku shaqayn doonaan solar systemka ama falaadhaha qoraxda ayey ku shaqayn doonaan, waana qalab casri ah oo nasin doonta ciidanka , isl markaana gaadiidka kala haggi doonnta, kaas oo bilicda caasimadda kor u qaaddi doonno.

Maayarku waxa kale oo uu sheegay Baritoole la qaybin doonno Caagagii qashinka fudud lagu ridi lahaa oo wadooyinka hareeraheedda iyo meheradaha waaweyn hortoodda la dhigi doonno si bilicda caasimadda loo ilaaliyo, isagoo dadweynaha ugu baaqay inay qashinka gudud iskaga ridaan Caagadaha loo diyaariyey ee wadooyinka la dhigi doonno.

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo qaybinta Caagadaha ka hadlaya waxa uu yidhi “baritoolle waxa la qaybinaya caagadihii meheradaha hortoodda la dhigi doono ee qashinka gudud lagu ridi doono cidii dambe ee qashin ama caagad dhulka iskaga tuurta waa la ganaaxi doonnaa ee waa inay dadweynuhu ilaaliyaan soona gudbiyaan dadka qashinka meelahaasi iskaga tuuro si caasimadda u noqoto mid la mid ah kuwo caalamka, isla markaana dadweynuhu la shaqeeyaan dawladoodda si horumar muuqda loo wadda gaadho”.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha deegaanka ee uu gadhwadeenka ka yahay duqa Caasimadda ayaa muddooyinkan dambe ku dadaalaysay inay kor u qaaddo bilicda caasimadda iyo sidii caasimaddu uga mid noqon lahayd caasimadaha.