Borama: Kooxo Hubaysan Oo Habeen Hore Weerar Ku Qaaday Saldhiga Magaalada

0
589

Picture1Boorama(Geeska)-Dablay hubaysan ayaa habeen hore weerar ku qaaday saldhiga dhexe ee Boorama.

Dablaydan oo Habeen hore saqdii dhexe weerarka ku qaaday Saldhigan, ayaa iyaga iyo Ciidanka Booliska ee Saldhiga dhexe ee Boorama waxay isweydaarsadeen rasaas, waxaanu qaar ka mid ah hubkaasi ku dhaceen gidaarka Saldhiga, balse Dablaydan ayaa ujeedada dhabta ah ee ay weerarkan u soo qaadeen aan la garanaynin, weerarkana ilaa hadda cid wax ku noqotay ma jirto, cid dablayda laga qabtayna ma jirto. Hase yeeshe wuxuu ahaa weerar si weyn looga dareemay magaalada Borama, iyadoo ay ahayd xilli goor dambe ah.  Maayarka Magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, oo isagu Shalay ka hadlay weerarka ayaa sheegay in weerarkaasi ahaa    mid sahlan islamarkaana wax khasaare ahi ka dhalan. Maayarka Boorama ayaa sheegay inaanay ilaa hadda jirin cid loo qabtay weerarkaasi,  Waxa uu sheegay inay Laamaha amaanka iyo Militariga ka wada hadleen arrinta balse aanay jirin wax amni darro ah oo hadda taagan, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay  “Horta Rasaas way dhacday laakiin, sida loo buun-buuninayo may ahayn, Ciidanka Booliskuna kolay wax way rideen markay maqleen Shanqadha xabbadda dhinaca kale laakiin wax weyn may ahayn ee markii Xabbadda Ciidanka ay maqleen meesha way ka yaaciin(Kooxda Booliska Rasaasaysay), laakiin, wax weyn oo dhacay oo la odhan karo wax khasaare ah ayaa dhacay ma jirto”.

Dhinaca kale iyada oo ilaa hadda la aqoosan Dabalayda weerarkaasi fulisay iyo cida ka dambaysa, ayaa waxa isna jiray weerar lagu soo qaaday dhawaan goor habeenimo ah ciidanka qaranka ee degen duleedka Borama.