Fuulku Waxa Uu Ka Hortagaa Dhiig La’aanta Oo Ka Mid Ah Xaaladaha Caafimaad Ee Bulshadeenna Ku Badan

0
576

Picture8

Hargeysa (Geeska)- Dhiig la’aanta iyo xaaladda caafimaad ee ka dhalata oo afka caafimaadka loo yaqaanno Anemia waxa ya ka mid tahay xanuunnada bulshadeenna caanka ka dhex ah, inta badanna lagu arko, sababaha keena oo badanna waxaa ugu muhiimsan, cunto xumoada, iyo dadka oo aan inta badan aqoon u lahayn cuntooyinka uu jidhku u baahan yahay.

Anemia waa dhiigga oo ay ku yaraadaan unugyada dhiigga cas, kuwaas oo sida caadiga ah ka caawiya in uu nuugo hemoglobin ta oo masuul ka ah in ay neefta Oxygen ka soo qaado sambabada, kadibna jidhka oo dhan gaadhsiisa. Sababaha kale ee keena Anemia waxaa ka mid ah dhiigga oo ay ku yaraato maadadda xadiidka, sidaa awgeedwaxaa ay dhakhaatiirta caafimaadku ku talinayaan in qof kastaa uu sida caadiga ah ku dadaalo cunista cuntooyinka uu xadiidku ku jiro, si uu isaga ilaaliyo in ay ku dhacaan dhiig la’aan iyo Anemia. Baadhitaanno lagu samaynayey cuntooyinka qofka aan dhaqaalaha buuran haysan ka caawin kara in uu helo Anemia iyo dhiig la’aan ayaa lagu ogaaday in cunista fuulka oo la joogteeyaa ay muhiim u tahay ka hortagga dhiig la’aanta iyo Anemia.

Sida uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa qoraallo hore ugu soo gudbiyey fuulka oo ay dadka qaar ku naanaysaan, “Hilibka dadka faqiirka ah” iyaga oo uga gol leh in uu yahay cunto jaban oo dadka aan dakhligoodu buurnayn iibsan karaan, isla markaana u buuxin kara kaalinta hilibka oo isagu inta badan qiimihiisu qaali yahay, waxaa ku jira xaddi aad u badan oo Barootiin ah iyada oo aanu ku jirin dufan badani, sidaa awgeed khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in Fuulku uu yahay cuntooyinka ugu muhiimsan ee qofka ka ilaaliya dhiig yaraanta.