“Xukumaddani Waxay Caydh Ka Tahay Waxa Caddaaladda La Yidhaahdo, Hodanna Waxay Ku Tahay Dulmiga”

0
628

kHargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Guray), ayaa sheegay inay Xukumaadda taladda dalka haysa ay caydh ka tahay cadaalada, isla markaana hoddon ku tahay dulmiga, isagoo Cashuurta Xukumaddu ku soo rogtay Warbaahinta Madaxa banaan ku tilmaamay khalad iyo cadaalad daro iyo ujeedo ay doonayso inay albaabada ugu laabto isla markaana u xidho Xarumaha  Warbaahineed ee Madaxa banaan.
Guddoomiyaha Saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Guray oo Shalay Shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay in haddii Saxaafadda la cabudhiyo in aanay Xukuumaddani jiri karin, in aanay Mucaarad jiri karin iyo in aanay waxba hagaagayn, waxaanu Wasiirka Warfaafinta kula taliyey in aanu Saxaafadda cadaw la noqon, oo uu beri ka maalin uu Mucaarad noqon karo, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waar dalkani sidan kuma soconayo, Saxaafaddanin haddii ay jiri waydo Mucaarad-na jiri maayo,Dimuqraadiyadina jiri mayso,markaa Xukumadna jiri mayso.haddaad inuu wax maqlaysaan oo inuu wax nasteex ahi dalkan iyo dadkan agtiina ugu hadhay ka noqda Go’aanadaas, u dulqaata Saxaafadda shalayba waataa Mucaaradka ahaydeene” 
Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa ayaa yidhi “Dagaalkan lagu soo qaaday Saxaafaddu waa Dagaal lagu soo qaaday oo lagu burburinayo Dimuqraadiyadii, markaa kolba geed fooda la soo saaraba iyo geed gaaban iyo mid dheer oo la iskugu taagaba Nuxurka dagaalkani wuxuu ku dhamaanayaa in Dimuqraadiyadii Somaliland Afka u dhacdo”
Mujaahid Cali Guray waxa uu sheegay in Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Madaxtooyadu ay leeyihiin Xarumo warbaahineed oo Kharashkooda laga bixiyo Khasnada Dawladda, waxaanu yidhi “Wasiirku isaga ayaa leh Wargeys gaar ah, Wasiirka Madaxtooyadu isna waxa uu leeyahay Wargeys, waxaana lacagtooda laga bixiya khasnad Dawladda, waxaana heshiisyo lala soo galay Websityo iyo Telefishino, markaas Xukumaddani waxay Caydh ka tahay waxa Caddaaladda la yidhaahdo, Hodanna waxay ku tahay Dulmiga,waxa inagaga hadhayna waa Lix bilood, Saxaafaddana Cashuurtan lagu soo rogay way Ogyihiin inaanay Macaashal Macaashna helin, Liisankana ay wada qaateen, markaa waa wax qiil laga dhiganayo ee maaha Lacag waxa loo jeedaa”.
 Wuxuu intaas raaciyay “Xukumaddani Markay fadqalalo meel ka ridaba ee la gurmado ee la mooso ee wixii ay dhigtay la daweeyo, haddana meel kale ayuun bay ka fad ku dinaysaa.Cabdillaahi Cukuse Wasiirka Warfaafinta, Waxaan leeyahay ‘Waryaa Saaxiibka Xukumaddu waa bishoo saddex ahe intii Suuqa ha isa seegina,Saaxiibadaadii Saxaafadda ha isa seegina.Wasiirnimada laguma waaro, Bari waxaanu ku arki adigoo mucaarad ah oo dhulka yaala."
Dhinaca kale waxa isna Shirkaas jaraa’iid ka hadlay Musharax Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, oo isna canbaareyey cashuurtan lagu soo rogay,