Maamulaha Kastamka Berbera Oo Sheegay Inay Horumar Ka Sameeyeen Dakhli Ururinta

0
639

Maxamed Cabdi Gurxan

Hargeysa(Geeska):- Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan ayaa waxa uu sheegay inay horumar balaadhan ka sameeyeen habka dakhli-uruurrinta, isla markaana ay abuurreen Shaqaale xirfad sarre leh oo ka hawl-galla Kastamka Cashuuraha Magaalada Berbera.

Mr.GURXAN waxa uu sidaa ku sheegay Wareysi uu shalay siiyay Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews.com Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale),kaas oo uu kaga hadlay qaabka ay u shaqeeyaan,kaalinta ay qaranka ugu jiraan oo ku tilmaamay inay yihiin Mujaahidiinta dakhli soo saarka dalka.

Mar la weydiiyay Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan muddadii uu xilka hayay waxyaabaha u qabsoomay,waxa uu ku jawaabay“Shaqada iigu muhiimsan ee wax-qabadkayga ka mida waxay tahay inaanu  Dakhli soo saarno, maaddaama aanu joogno goobta ugu weyn dalka Kasmada Berbera iyo Cashuuraha berriga oo aan ahay Isu-duwahooddii, shaqada noogu weyn waxa weeye inaanu gaadhno oo soo saarno Oddoroska Miisaaniyadda naloo qorsheeyey,isla markaana aanu ilaalino nidaamkii Maaliyadeed ee lagu soo saaraayey, haDdii ay tahay shaqaalaha iyo Ganacsatada, markaa muddadii aanu joognay sanad-ba sanadka ka dambeeya horumar dakhliga ah iyo mid dhinaca shaqaalaha ah ayaanu ku talaabsanay oo aad ka dheehan kartaan Miisaaniyada iyo horumarka kala duwan ee dalka ka socda.”

Mar la su’aallay caqabbadaha ka hor yimi iyo sidoo kale kuwa uu ka soo gudbay,ayaa waxa uu ku jawaabay, oo uu yidhi “Markaad miisaanka shaqada markaad eegto ama-ba asalba damciga shaqo waxay iska leedahay Caqabbadooyin iyo durruufo baddan oo ku xeeran ayaa ka hor iman kara, tanna wey ka sii muhiimsan tahay oo way ka sii badnaan karaan, ILAAHAY ayaa mahad iska leh caqabado maalmeedkii dhowrkii sanno ee aanu halkan joognay,markaa sidii sharciga ahayd ee nidaamka Maaliyadeed waafaqsanayd ayaanu uga soo gudubnay, markastoo shaqadu sii balaadhato caqabaduhuna way sii kordhaan, waxyaabaha aanu markasta wax ku kordhinnaa waa hanaanka hab-cashuureedka Kastamadda iyo Cashuuraha berriga ee gobolka. In fikirka Shaqaalaha sarre loo qaado oo tabbabaro la siiyo, taasi maaha caqabaddo na horyaalla, laakiin waa Horumar iyo tayeyn aanu ku talaabsanayno, waxa kale, oo aanu doonayno inaanu fududayno oo samayno Xafiis xidhiidhiya Cashuur-bixiyaha dhabta, taasi waxay tahay shaqo maalmeedka aanu iyaga u hayno oo tallada iyo wixii fikrad ah ee ay nagu biirinnayaan oo ay iyagu noo noqdaan Murraayadii aanu isku daawan lahayn oo ay na-saxaan, xidhiidhkaasi waxa uu u dhaxaynayaa Cashuur-bixiyaha iyo Cashuur-qaadaha ee wasaaradda Maaliyadda ee gobolka. waxaan u mahad-naqayaa Wakiillada ganacsatada ee cashuur-bixiyeyaasha ee aanu maalin walba kulano sida ay weeyaalnimada iyo bisaylka ay u leeyihiin bixinta Cashuurta, waxaan leeyahay halkaas aynu ka sii wadno oo waxaynu u wada shaqaynaynaa dalka iyo dadka. haddaan anigu ku qorannahay Wasaaraddii Maaliyadda, adiguna waxaad tahay biil-bixiyihii, kharash bixiyihii iyo Miisaaniyad-bixiyihii ayaad si dad-ban iyo si toosaba u tahay, taasi waa meelaha aanu is leenahay aad u sii xoojiya, wuxuun-baa muhiim ah maaddaama aanu Cashuur qabtayaal nahay waxaanu wada shaqaynaa Xafiisyo muhiim ah oo ah gacmaha aanu shaqada ku daadihinayno, haddii ay tahay Ciidanka ilaalinta cashuuraha oo aanu iyaga isku nahay lamaano oo iyaga aanu rajaynayno inay Sanadba sanadka ka dambeeya sii wanaagsanaadaan.  Ciidankaasi waa gacanta aanu dakhliga ku soo saarno,markaa waanu hambalyaynaynaa Saraakiishooda iyo Ciiidankoodaba.

Xafiisyada kale, ee ay muhiimka tahay inay nala jaan-qaadaan waxa ka mid ah adeeg-bixinta ee dekedda Berbera ugu weyn tahay oo shayga aan Cashuurayaa waxa leh Dekedda,…..Cashuuri waxay ku bislaattaa marka dejintu wacnaato, marka rarriddu wacnaato ee Ammaankeedu wacan yahay.”

Mar la waydiiyey qaabka ay u xalliyaan cabashooyinka Ganacsatadu ka muujiyaan , waxa uu ku jawaabay, “Anigu waxaan ahay Cashuur qabtaha ugu wayn Gobolka. lacagta ugu baddan ama-ba dakhliga ugu badan gobolka waxa qabta Wasaaradda maaliyadda. Maaddaama aan Cashuur qabtihii ugu weynaa ahay shaqadiina ay xafiisyo iyo meelo kale ay siyaabo kala duwan uga socoto, cabashada ugu badan aniga ayey ugu soo noqotaa haddii ay noqon lahayd gobol ama degmo masuulka ay ku soo noqdaan waa aniga, markaa way jiraan tabashooyin oo waa anigii hore kuugu sheegay inaan cabasho la waayeen meel ay shaqo ka socoto.” ayuu Maamulaha Cashuuraha beriga ee gobolka Saaxil.

Mar la waydiiyey waxyaabihii ay ka wada-hadleen Guddida dhaqaalaha Golaha Wakiillada Somaliland oo ay kulan wada-yeesheen, waxa uu yidhi “Safarka ay noogu yimaadeen Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladu  wuxuu daba socday shaqada ay qaranka u hayaan oo waa Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada iyo Miisaaniyada, waxaanay eegayeen qaabka shaqadu u socoto, waxaanu u faah-faahinay oo u hogo-tusaalaynay Odoroska miisaaniyada uu Wasiirkayagu diyaariyey inay u yaallo ay u soo bixi doonto haddii rabbi idmo.”

Mar la waydiiyey Maxamed Cabdi Gurxan inay leeyihiin wakhti shaqo oo cayiman, ayaa waxa uu ku jawaabay sidan “Waxaa laga yaabbaa Hargeysa iyo Xafiisyadaa maamulka guud waxa laga yaabaa inay leeyihiin wakhti shaqo oo cayiman, laakiin Xafiiskan Kastamka iyo Wasaaradda Maaliyadda ee dakhli uruurintu waxaad mooddaa inaanay qoraxduba ka dhicin oo waxa shaqada loo gallaa shiftiyo kala duwan. xagga Maddaarka oo aan imika shaqo ka socon oo Hargeysa uu u guuray, haddana waxa aynu dareen-sanahay inaanu fasax qaran iyo mid Diimeed-toona lahayn oo aad Diyaaraddaas iyo wakhtigeeda uun la shaqaynaysid, markaa waxaan ku soo koobayaa whakhti kasta waanu ku jirnaa shaqada oo waanu joognaa.”

Ugu dambeyntii waxa la waydiiyey farriinta ugu dambaysa ee uu shacabka u dirayo, waxaanu yidhi “Fariinta u dambaysa ee aan halkan ka dirayaa waxa weeye in Ganacsatada aan hambalyo iyo bogaadin u diro, waa dadka uu qarankani shillimaadkoodu ku taagan yahay. fariinta labaad waxaan u dirayaa shaqaalaha iyo Ciidanka Cashuur ilaaliyeyaasha ah oo aan leeyahay dawladnimadu waa sida Jidhka qofka oo kale, oo matalan Wadnuhu shaqo gooniya ayuu hayaa, Calooshuna waa Dheef shiidkii, oo nidaamkaas jidhka oo kale ayeynu nahay, markaa qaranka waxaynu kaga jirnaa inaynu Masruufkiisii iyo dhaqdhaqaaqii kharashaad ee uu ku shaqayn lahaa soo saarno oo aynu ahaanno Mujaahidiintii Dakhli arurriinta oo dhinaceenna ka tiirrino oo halkaas qaranka ka dhisno. Xafiisyada aanu wada-shaqaynta leenahay ee gobolku inay sidaas oo kale ogsoonnaadaan shaqo geysiga nidaamka dawladnimo in nin-ba halka uu kaga beegan yahay uu ka kale ku garab gallo oo la iskaashado oo wada-jir la muujiyo waanan ku hambalyaynayaa kaalintaas.”