“Inta Uu Sharcigu Ii Ogolyahay Waa Taaganahay, Wax Aan Qabaana Ma jirto”

0
496

Picture6Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay hankiisa musharaxnimada ee  Madaxweyne ee la filayo in Sannadka dambe dalka ay ka dhacdo, waxaanu waxba kama jiraan uu ku tillmaamay wararka sheegaya inuu ka tanaasulay Musharaxnimada Madaxweyne ee Sannadka dambe,  waxaanu sheegay inay warkaasi yahay war been abuur ah oo dacaayad ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo), ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladiisa Caafimaad.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay, isaga oo dalka Ingiriiska safar shaqo ugu maqnaa, kana qeyb galay Shirka Maalgashiga Somaliland ee London, ka dhacay ayaa waxa uu ka waramay Shirkaasi waxa uu ku saabsana iyo ujeedada loo qabtay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay Madaxweynuhu  “Aad iyo Aad ayaan ugu faraxsan ahay inaan dib ugu soo noqonay dalkii oo nabad ah, ILLAAHAY mahadi weeye,  Shirkaas aan ka qayb galay wuxuu ahaa Shir  loo qabtay sidii Somaliland loo maalgashan lahaa.Shirkaasi wuxuu ahaa shir aad loogu guulaystay, Shir aad loo yimid ayuu ahaa, Dawladda Ingiriiska iyo cidii kale ee timid ba ay aad iyo aad uga soo qayb galeen.markaas Shirkaasi Shir waxa uu ahaa mid aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay kuna soo guulaysanay ILLAAHAYNA  aynu ka rajaynayno Inaynu faa'iidadiisa iyo midhihiisa wax ka aragno ayuu ahaa, dad badan ayaan ka soo qeyb galay"

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa isaga oo ka hadlay warar laga faafiyey oo ah inuu ka tanaasulay Doorashada Madaxtinimo ee Sannadka fooda inagu soo haya, ayaa yidhi “Markaan tagay waxaa la faafiyay inaanan Doorashada dambe isku soo taagaynin,taana waa dacaayadihii badnaa ee waligeedba socon jiray, waxayna la mid tahay Dacaayadaasi ta dadka Caafimaadkayga wax ka sheegaa faafiyaan, taa wax alla wax ka jiraa ma jiraan, inta uu Sharcigu ii ogol yahay waan taaganahay, wax alaale wax aan qabaa ma jirto, dalkayga iyo dadkaygaba waan u shaqayanaya, waana u shaqayn jiray, waxaanan rajaynayaa in shacbigaygu kalsoonida I siin doonaan.”