Xildhibaan Miisaan Ku Leh Xisbiga KULMIYE Oo U Wareegaya Xisbiga Waddani

0
465

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada kana soo jeeda xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu biiro xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Xildhibaankan oo xisbiga Waddani tagaya isagoo taageerayaashiisa wata, waxa ay madaxda xisbiga Waddani ka gaabsadeen inay magaciisa sheegaan sababo jira dartood, waxase ay sheegeen in xildhibaankani miisaanka uu kala tagayo xisbiga KULMIYE  uu ku biirin doono xisbiga kale ee ay is hayaan ee Waddani oo uu hoggaamiye Guddoomiye Cirro.

Xildhibaankan ayaa sida ay reer Waddani sheegayaan wuxuu qayb libaax ka soo qaatay dhismaha xisbiga KULMIYE iyo weliba guushii uu Madaxweyne Siilaanyo ku noqday Madaxweynaha Somaliland, laakiin xildhibaanka ayaa u wareegaya xisbiga Waddani ka dib markii uu u bogi waayay siyaasadda xisbiga KULMIYE ee uu ka tirsanaa.