Wasiir Sacad Oo Ku Celiyay Inaanay Somaliland Ka Qayb Galayn Shirka Denmark

0
486

Picture4Hargeysa(Geeska):-Xukuumada Somaliland ayaa marka kale ku celisay in aanay ka qayb galayn shir ka dhacaaya Magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark oo ay qaban qaabadiisa si wada jir ah ay u wadaan Dawlada Somaliya iyo sida oo kale Qaramada Midoobay,kaasi oo lagaga hadlaayo arrimo khuseeya horumarinta iyo amaanka wadanka Somaliya.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr:Sacad Cali Shire oo maalmo ka hor ka soo laabtay socdaal uu ku tagay Magaalada Copenhagen dalka Denmark oo uu shirkaasi ka dhacaayo,ayaa sheegay in intii uu halkaasi ku sugnaa uu kulan la yeeshay xoghayaha arrimaha horumarinta u qaabilsan wadanka Denmark iyo sida oo kale ninka u qaabilsan dhinaca Amaanka,waxaana uu tibaaxay in ay u soo bandhigeen in ka Somaliland ahaan ay ka soo qayb galaan shirkaasi,balse aan u sheegaybaa uu yidhi in aan Somaliland ka soo qayb gali doonin shir aan si siman aanay ula hor fadhiisanayn Dawlada Somaliya.

"Horta Safarka aan ku tagay Copenhagen,waxaa uu ahaa safar kooban oo gaaban oo waliba maalin kaliya ah intii aan halkaa joogay,waxaan arkay xoghayaha horumarka u qaabilsan,waxaan kale oo aan la kulmay ninka u qaabilsan dhinaca Amaanka wadanka Denmark.Ka soo qayb galka shirka bishan soo socota oo 17-keeda ka dhici doona Copenhagen ,shirkaas oo ay qaban qabinayaan dawalada Somaliya iyaga oo la kaashanaya Qaramada Midoobay,gogoshana ay fidisay dawalada Denmark.markaa mawqifkeena dhawr jeer ayaa aynu cadaynay oo shirkaasi maaha shir aynu ka qayb galayno walibana dhawr jeer ayaa sidaas la yidhi”Ayuu yidhi Sacad Cali Shire

Dr:Sacad Cali Shire oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray“Sababta oo ah haddii aynaan si siman uga qayb galayn ilayn Laba Waddan oo siman ayaa aynu nahee.Dabcana waa ay soo hadal qaadeen,laakiin waxaanu ku celinay mawqifkeenii ahaa mar haddii shirkaas oo u abaabulan yahay oo aan si siman ahayn.Markaa ka qayb gali mayno shirkaas dhawr jeerna waa lagu celiyey oo Mawqifkaasi runtii waaba uu cadyahay iyaguna runtii waa ay naga garawsadeen”Ayuu yidhi Dr:Sacad Cali Shire.