Odayaal Sheegay In Xadhiga Dadkii Laga Soo Xidhay Qoolcaday Aanu La Xidhiidhin Arrinta Seeraha

0
471

Picture2Hargaysa(Geeska)-Maamulka Dagmada Salaxlay, Madax Dhaqameedka Kasoo Dagmadaasi ayaa Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargaysa,Waxa ay kaga hadleen 13 Qof oo dagmaas laga soo xidhay.

Masuuliyiinta Shirkaasi ka hadlay ayaa waxa ay kala ahayeen Maayirka Degmada Salaxley Shiine Tahar  . Caaqil C/Risaaq Maxamed Askar . Caaqil Gacan .  Oday Cabdi Sheekh Maxamed Cali Geedi .

Waxana ay masuuliyiintani ka hadleen xadhiga loo geystay 13 qof oo laga soo xidhay deeganka banka qool-caday kuwaas oo ay shegeen in ay dambiyo galeen waxaana ay meesha ka saareen in xadhigan la xidhiidho mashruuci seeraha  qool-caday . Ugu horeen waxa halkaasi ka hadlay Maayirka

Salaxley Mudane Shiine Tahar waxana uu hadalkiisa ku bilaabay “ “waxaa jirtay dhawaan in wasaaradda deegaanku ay soo qaadeen olole ku saabsan baabiinta seeraha ama xidhmooyinka gaarka loo leeyahay iyadoo la ogyahay in dhulka Somaliland intiisa badan ay xidhantahay  haddana wasaaraddu waxay wadday dadaal ay doonayaan in ay wax kaga qabtaan arrintaasi, annaguna gacan ayaanu ka siinnay waxay dhawaan noogu yimaaden xarunta degmada salaxlay waxaanay arkeen xidhmooyinkii gaarka loo lahaa oo soo galay dhulkii seeraha ahaa ee dadku ka faa’idaysan jireen oo ay doonayaan in ay si gaara u qaataan “ Maayirka oo si watta hadalkiisa ayaa waxaa uu intaasi ku dary oo uu sheegay in wasaaradda deegaanku ay soo xidh-xidhay dad gaadhaya 13 qof waxaanu yidhi “

“waxaa laga soo xidhay 13 qof  kuwaa la soo xidhay mooyane dhawr iyo labaatan qof oo kalena way diinwaangashanyihiin oo way baxsadeen waana lagu raad jooga , 13-kan  kan qof waxay ahaayeen dad beero ku lahaa soonaha banka meel u dhaw dabadeettan bilihi u danbeeyayna ku soo fiday banka ”

Sidoo kalena maayirka aya waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in sababta loo so xidhxidhay dadkani ay la xidhiidho seerihii ay xukuumaddu damacday in laga sameeyo banka  qoolcaday balse bu yidhi loo xidhay in ay ku kaceen dambi ah in ay beerahoodi ku soo fidiyeen banka qoolcaday oo ah meel danguud ah dadkuna ay ka faa’idaysataan  isagoo ka hadlaya arrintannna wuxuu yidhi “ waxaanu dadka u sheegaynaa in dadkaasi yihiin dad iyagu si gaar ah u doonayay in ay xidhmooyin ka sameestaan seeraha markii horena waxay ahaayeen dad beeraha ka sameestay meelo u dhaw seeraha immikana waxay doonayeen in ay ku sii durkaan oo ay gudaha u galaan arrintaasina arrin la aqbali karayo maaha “ ayuu yidhi maayirka salaxley .

 Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil C/Risaaq Maxamed Askar . Caaqil Gacan . Oday Cabdi waxaanay dhamaantood beeniyeen warka sheegayaa in dadkan loo xidhay arrintii seeraha qoolcaday ee ay xukumadu damacday in ay ka sameeso banka qoolcaday  waxaa ay sidoo kale meeshaka saareen in xadhigan ay ka danbeeso wasaaradda xanaanada xoolaha oo lagu eedeeyay in ay iyadu xadhigani geesatay .

Waxaa gabogabadii halkaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Geedi  waxaana uu sheegay in dhaqaalaheenu ku fadhiyo xoolaha nool isla markaana loo baahanyahay in xooluhu helaan dhul ay daaqaan isagoo wax laga xumaadana ku tilmaamay in dhulkii oo idil la wada oottay oo ay dad gaar ahi yeesheen waxaanu ku taliyay in dhulka loo daayo xoolaha . Sheekh oo arrimahani ka hadlaya ayaa yidhi “ Anigu waan soo maray oo waan soo arkay dhulka ay dadku xidheen ee ay seerteen taasina waxay ahayd waxaan la isku ogayn waxaa la isku haystay ayaamihi dhawayd oo la lahaa dawladdu yaanay dhulka innaga seerin oo mashruuc seero ah yaanay ka dhigin oo qeyb ahayd in dadka loo xidho oo wakhtiga jiilaalka loo furo taasu dadku xitaa diiddana marka ay dad iska yimaadaan oo ay yidhaahdaan dhulka annaga iska seeraraynaa haddana dadka loo sheego la yidhaa waxaa lannagu xidhxidhay bankii ayanu diidanayn waa fittan weeye fittanak nabigu wuu  nacdalay in dadka been loo sheegana maaha in dadka la khalkhal galiyana maaha arrinta seeraha qoolcadayna waa la isaga imanaha waa laga wada hadlaya khasaarihiisa iyo faa’idadiisa markalay noqonaysa ” ayuu yidh Sheekh Maxamed Cali Geedi .