Dugsiyada Nuuradiin Oo Wacdaro Ka Dhigay Imtixaanaadka Shahaadiga

0
758

Picture6Hargeysa (Geeska)-Dugsiga sare ee Noradiin ayaa kaalmaha hore ee Imtaxaanka Shaadiga ee Fasalka Afraad ku yeeshay lix Arday, oo afar ka mid ahi yihiin Hablo, halka ay labada kalena   yihiin Inamo, waxayna Ardayda Noradiin ee kaalmaha hore u kala gashay kala yihiin  1-Samiira Maxamed Ismaaciil oo iyadu keentay 702, sidaasna ku noqotay Inanta kaalinta labaad ugu sareeysa Hablaha Somaliland, Nafiisa Cabdixamiid Maxamed Cali, iyana waxa ay keentay 699, waxayna sidaas ku noqotay Inanta Saddexaad ee ugu sareeysa Hablaha Somaliland, Xamda Baashe Cabdi Ismaaciil, oo iyana keentay 681 waxayna gashay kaalinta Afraad iyo Warda Cabdillaahi Cali Muuse, oo keentay 667, sidaasna ku gashay kaalinta lixaad ee  Tobanka Hablood ee ugu sareeya Somaliland.

Dhinaca Inamada, ayaa Dugsiga Noradiin waxa uu ku yeeshay Tobanka Inamood ee ugu sareeya Somaliland Laba, waxayna kala yihiin Ridwaan Cabdi Daahir Suldaan oo isagu keenay 715, galayna kaalinta Saddexaad, Xamse Aadan Warsame Xirsi oo isna keenay 704 sidaasna ku galay Kaalinta Sideedaad..

Dhanka kale Dugsiyada Noradiin ayaa waxa Imtixaanka Dugsiyada Sare u galay 395-arday, 116-arday ayaa waxa ay ku baxeen  A ,2849-arday, ayaa iyana ku baxay B, 30-ardayna  waxa ay keenan C.

Dugsiyada sare ee Noradiin celcelis ahaan waxa A keenay boqolkiiba sodon, B-na waxa keenay boqolkiiba saddex iyo lixdan, C-na waxa keenay Boqolkiiba Toba, cid D ka keentay may jirin.

Isbar-bar dhiga Dugsiyada sare ee Noradiin iyo Dugsiyada kale ee dalka, Darajada A Gobolka Maroodi-jeex oo dhan waxa ka keenay 241-arday, 101-arday oo ka mid ahi waa Noradiin, taas oo boqolkiiba laba iyo afartan noqonaysa.

Wadanka oo dhan waxa Darajada A ka keenay 564 arday, Dugsiyada sare ee Noradiina waxa ka keenay 116-arday, waxayna noqonaysaa Boqolkiiba laba iyo laabatan, Wadanka oo dhana waxa ay ka noqonaysaa boqolkiiba sideed iyo todobaatan.

Muddo lix sanno ah oo ka soo bilaabanta 2008, ilaa Maanta waxa ay saami mugle ku lahaayeen kaalmaha ugu sareeysa dalka oo dhan.

Tobankii Inamadood ee ugu sareeyey

1-Maxamed Cali Jaamc Xasan

2-Maxamuud Maxamed Nuur Maxamed

3-Ridwaan Cabdi Daahir Suldaan,

4-Yaxye Maxamuud Axmed Nuur

5-Salma Aadan Cabid Ciise

5-Cabdishakuur Khadar Digaale Ismaaciil,

6-Cabdisalaan Cismaan Xuseen Faahiye,

7-Mukhtaar Maxamed Maxamuud Cige

8-Cabdisamad Maxamuud Saleebaan Kabadhe

8-Xamse Aadan Warsame Xirsi

Tobankii Hablood ee ugu sareeyey

1-Salma Aadan Cabdi  

2-Samiira Maxamed Ismaaciil,

3-Nafiisa Cabdraxmaan Maxamed

 4-Nimco Xuseen Maxamuud

4-Xamda Baashe Cabdi Ismaaciil,

5-Caasha Saalaxudiin Axmed Cilmi,

6-Warda Cabdilaahi Cali Muuse

7-Faadumo Cismaan Sh Cabdi Sh Maxamuud

8-Saara Axmed Xaashi Maxamuud

9-Bilan Cumar Axmed Jaamac