Golaha Guurtida Oo Go’aamo Cusub Ka Soo Saaray Khilaafkii Baliga Diiriye Ee Burco

0
629

Picture7Burco(Geeska )-Gudigii Golaha Guurtida ee Madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray xalinta Xiisadii ka aloosnayd Baliga Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco ayaa shalay go,aamo kama danbays ah ka soo saaray ,kuwaasi oo ay Magaalada Burco kaga dhawaaqeen.

Gudigan ayaa Go’aamaddan kaga dhawaaqay Xarunta Badhasaabka gobolka Togdheer ee Burco ,halkaasi oo ay goob-joog ka ahaayeen ,xubnaha Gudigan oo Sagaal xubnood ka kooban, Labada Beelood ee Deegaankan Mulkigiisa isku hayay iyo Masuuliyiinta Gobolka Togdheer.

Xoghayaha gudiga Golaha Guurtida ee xalinta Khilaafkaasi Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo  kulankaasi kaga dhawaaqay qodobada ay shaqaaqadan Baligan ka soo saareen ayaa waxa uu yidhi. “ Anagoo ah gudigii xalinta khilaafaadka Baliga Diiriye Guuleed, ujeedo Go’aankii Golaha Guurtida ee xalinta Khilaafaadka Baliga Diiriye Guuleed ,markaanu dhagaysanay Dacwadda Labada Beelood ee Reer Biniin iyo Cabdale Arab oo ka koobnayd Tuulo iyo beero ,dhul-daaqsimeed laga sameeyay Baliga Diiriye Guuleed .

Markaanu aragnay Baliga Diiriye Guuleed iyo Tuulooyinka ku hareeraysan .markaanu aragnay dhukmantiyadii ay ku doodayeen labada dhinac iyo dacwadahooda ,sidaa awgeed Gudiga Golaha Guurtidu waxay go’aamisay Qodobada hoos ku xusan .

1)      Waxa sugnaatay jiritaanka Tuuladda Baliga Diiriye Guuleed iyo Haydhmaankeeda ,laakiinse waxa ka reeban in la kala sheegto Dagsiimada Tuuladaasi ,hana wada degaan laba reer sida ay labada magaalo eek u xiga u wada degaan .

2)       In dhulkaa ku hareeraysan labada Sedexda tuulo dhexdooda ay tahay Xoolo daaqeen ,lagana samayn Karin Beero iyo Faag ,wixii hore looga oodayna waa in la baabiiyaa .

3)      In wixii waxyeelooyin ah ee labada reer kala gaadhayna ay ku dhamaystaan walaaltinimo ah iyo waliba dhaqankeena suuban iyagoo nabadgelyada ilaalinaaya.

4)      In wixii khasaare ka soo gaadhay Dhinaca Cabdale Arab Go,aankii Wasiirada ay Xukuumadu u dirtay deegaankaasi ,ay Xukuumadu bixiso mag-dhawgeeda kuwaasi oo dhan Sedex barkadood Qodistood iyo Laba Dergadood.

 

Sidoo kale waxa iyna halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee golaha guurtida kuwaasi oo Labada dhinacba kula taliyay in ay qaadaan Qodobadan ay soo saareen.