Faysal Cali Waraabe Oo Soo Jeediyay In Dhallinyarada Wadanka Laga Tixgeliyo Dadka Ajaanibka Ah

0
619

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in fursadaha shaqo ee dalka ka banaanada in la siiyo Dhalinyarada ka soo baxda Jaamcadaha kala duwan ee dalka, isla markaana dadka Ajaanibka ah ee dalka u soo shaqo tagay in aan laga doorbidin Dhalinyarada dalka u dhashay ee muhiimada la siiyo Dhalinyarada reer Somaliland, waxaanu sidoo kale sheegay in dadka Ajaanibka ah ee Shaqaalaha ah in lagu soo rogo Cashuur, si ay Dhalinyaradu dalku uga badbaado Tahriibka isla markaana ay u hesho Fursado Shaqo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Munaasibad loo qabtay Arday ka qalan jabisay Kuuliyada Injineerinka ee Jaamacada Hargeysa, ayaa ugu baaqay inay kaga dhabeeyaan balanqaad shaqo oo Wasiirka Tamarta iyo Maayarka Caasimaddu u balanqaadeen Ardaydii ka qalan jabisay Jaamacada, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “injineernimadii Barafka iyo Dibada aan u tagay, ayaa Gurigaygii laga bilaabay, Anigu waxa aan is idhaahda malaa adiga oo sidaas Xasan Jaamac Macalin noqda ayaa la qaatoo, Siyaasada maxa ku geliyey ayaan idhaahda, Axmed Gahayr isna waan haystoo  dhawr jeer ayaan ku idhi waar aan ku sharaxo, Maayar aad noqotid, wuu baqay, haddana khaasare maaha oo Arday ayuu soo saaray,”.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey waajibka Dawladdaha hoose ee Dalka iyo cida xaqa u leh hawlaha shaqo ee  Dawladdaha hoose ayaa yidhi  “Dawladdii hoose iyo Dawladdii sareba kheyr ayey inoo sheegeen,ILLAAHAY kheyrkaas ha ka dhigo run, Maanta Dawladeenu dhul ma hayso, waxa la yidhaa ha la sameeyo qorshaha dhulka, dhulka oo dhan dad ayaa leh, waxa aan imika la yaabay markii uu Maayarka lahaa intaas oo Dhul dhismayaal ayaan u  haynaa waxa aan is yidhi taloow ma Beertii Ina Kirix ayaa laga jaray, markii aynu ahayn Jamhuuriyadii Somaliya waxa jiri jiray Sharciga Dhulka, waxaanu ahaa Sharci ay Dawladdu Dhulka ay leedahay, anigu garan maayo goorta Dhulkii laga qaadayo Dawladda oo Nin walba meel xaraystay uu leeyahay ha la ii nashqadeeyo, waana arin xun, laakiin in dawladdu dhulka la wareegto oo ay bixiso waa waajibkeeda, markaas ayey Magaaladu qurux badnaanaysa, marka Dhulka la nashqadeeynayo dawladu waxa ay qaadata boolkiiba sodon dhulka, dawlada ayaaba dhulka leh ee siday intaas u qaatan”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe isaga oo ka hadlaya Golayaasha Deegaanka Dalka ayaa yidhi “Dadka loo soo doortay Dawladdaha hoose, maaha inay u shaqo tagaan, waxa wanaagsan inanay ka shaqayn oo qudha Fulinta oo ah Maayarka, Maayar ku xigeenka iyo Xoghayaha, laakiin Xildhibaanadu waa inay yimadaan marka la qabanayo Kal-fadhi, oo Sannadkii Laba ilaa Saddex jeer la shiro,markaas ayaa wax yar la siiya, dadka la soo doortayna waa inay ahaadan dad bilicda wax ku soo kordhinaya bilicda Magaalada iyo baahida Deegaanka ay degan yihiin, balse 25-ka Xildhibaan ee Caasimaaddu waa 25 Maayar, waa in laga qabtaa, Nin walba reerkoodu halkuu degan yahay ayuu u sahan tagiyoo oo halkii banaan ayuu soo sahaminayaa, Maayarku markaas shaqayn maayo,oo wakhti heli maayo, oo wakhti uu ku fikiro heli maayo,ILAAHAY ha inaga sameexe Dawladnimadii weynu caayeynaa, oo weynu ku ciyaaraynaa”.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Inta badan laba meelood ayaa laga helaa Shaqada oo ah Dawladdaha iyo Hay’addaha,marka laga tago Shirkadaha Gaarka loo leeyahay, weynu ognahay Dawladdu inta ay Maanta Shaqaale qori karto, oo Misaaniyadeenii ayaa boqol iyo kontontana, inta badana Dawladdu ma shaqalayso Dadka, waxa loo shaqaya Shirkadaha, Maanta Hay’addihii dalkeena joogay waxa jooga Qof yar oo Kiiniyaati ah oo Timo adag, Sannad kasta intaas oo Jaamaci ayaa dalka u soo baxa, waa in la yidhaahda meel kasta oo qof reer Somaliland ahi qaban karo waa inaanu qof Ajaanib ahi ka shaqayn, qofkii Ajaanib ah ee dalka yimaadana waa in la cashuura, haddii dad badan oo Ajaanib ah oo shaqaya haddii aynu qaynuunkaas ku soo rogno Dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah ayaan tahriibteen, oo fursad heli lahayd, Dawladduna balamaha ay qaaday wey oofin doontaa haddii ILLAAHAY yidaahdo”.