Waydiimaha Guurka Casrigan Aynu Joogno!

0
768

Waydiimaha ugu badan ee la waydiiyo Casrigan aynu joogno Gabdhaha markay Gayaankood guursadaan ha yeeshee inta badan  ka war wareegaan war celintooda  waxaa ka mida.

Odaygaaga Magacii?

Oo waa Qoloma?

Deegaankoodu waa halkee?

Hargeisa haduu daggan yahay,Daantuu ka daggan yahay?

Muxuu ka shaqeeyaa? ma Haayad? ma Dawladda? ma jaamacadd? ma Duggsi? Ma Warbaahiye, ma Shirkad? Miseba iskii buu u shaqaystaa?

Ma Dalkuu joogaa mise Dibaduu ka yimi? Haduu dibadda ka yimi dalkuu ka yimi  intuuse joogay?

Ma Waddaad baa mise dadkiisuu iskaga dhex jiraa?

Wax Hantiya ma leeyahay Jaggo, amase Guri?

Gaadhi ma leeyahay? Haduu leeyahay waa noocee?

Ma Min wayn,Min yaro, Magmagato, amase meel ma Dayato afartaa tee baad tahay?

Reer hore ma leeyahay,haduu leeyahay imisa Caruuruu dhalay ?

Hooyadii iyo Aabihii ma noolyihiin?

 Imisa Hablood buu la walaalo yahay?

Da,diisu waa ilaa intee?

Mushahar intuu u xaadiraa? ( Intuu qaataa)

Ma dheer yahay mise wuu gaaban yahay miseba waa dhexdhexaad?

Midabkiisu waa Caynkee (Casaan, Maariin, amase Madow)?

Jaadka  ma cunaa? Noocuuse cunaa?

Gabbaati intuu keenay?

Maxaad  qabsatay Meherkaagii, imisa Garaam oo Dahabaad se qabsatay)?

Imisuu yaraduu  keenay?

Sheekhee ku Meheriyey?

Imika inteed  u Mehersan tahay?

Goormaad wareegaysaa?

Hudheelkeed laguugu tumayaa?

Arooska ma is Xanbaar baad ka dhiganaysaa mise 7 dii Aroos? Mise waabad iska wareegaysaa?

Imisa Fujaan ayaa laguu soo xidhayaa?

Is barashadii labada Reerood ma dhacday?

Haday dhacday maxaa laguu keenay ? ma Guri bay ka dhacday mise Hudheel?.

Waaba sida Sheekadan  ku kala dhex dhacday Hooyo Canbaro iyo Hooyo Cibaado bookhasho gaabana iskugu yimi.

Hooyo Canbaro: Alla waa Cibaado,Cibaado soo dhawoow hore u soo dhaaf Guriga

Hooyo Cibaado: Mahad sanid Canbaro

Hooyo Canbaro: Reerihii ma lagu nabad qabay?

Hooyo Cibaado: Haaye maxaad sheegteen

Hooyo Canbaro: Nabadiyo Waxaan lagu waarayn!

Hooyo Cibaado: Naa maal mahan waan maqnaaye labadaadii Hablood waa lagaa  soo doonay baan maqlee ii waran.

Hooyo Canbaro: Haayoo  saddex  bilood baabay kala danbeeyeen

Hooyo Cibaado: waa Nimcee, oo yaa kaa soo kala doonay?

Hooyo Canbaro: tii waynayd Reer baal Shinbiro tii yaraydna reer baal Digaagg.

Hooyo Cibaado: waaban isku soo galnay haye, oo maxay ka kala shaqeeyaan?

Hooyo Canbaro: ta wayn Dibadduu ka yimi

Hooyo Cibaado: Maansha Allah waan Ogaa inay Meel Roon marto tahay Dibadaabuu ka yimiba  waa Nimcee.

Dibaduu ka yimi markay maqashay farxad laba  muusootay Dibaddu la waynaa.

Hooyo Cibaado: Oo heedhe ta yarna muxuu ka Shaqeeyaa?

Hooyo Canbaro: waa Aqoon yahan dalka jooga walina shaqo ma helin hadase wuu sugayaa

Hooyo Cibaado: Naa anigu Aqoontiisa kumaan waydiisane  muxuu Shaqo haystaa?

Hooyo Canbaro: yur,naa waa Aqoon yahan baanu ku nidhi shaqadu ma Faral baa?

Hooyo Cibaado: oo hadaa Reerkoodu lacag ma leeyihiin?

Hooyo Canbaro: oo lacagtooda maxaa ka galay haday haystaan!

Hooyo Cibaado: dee mayee inantaaday ku masruufi doonaan

Hooyo Canbaro:  Naa ma iyagaa inantayda guursaday?,isagaa guursadee waanuu u shaqaysan reerkiisa .?!

Islaantii Canbaro inta ay adkaysan kari wayday xanaaq, labadii dhabana casaadeen islaantii cibaado dugg kuba tidhi timahana la booday,labada gacmood la isla gal dhulkana la isku rif.

Alla kala qabta iyo Shaydaanka  naara  badatay,labadii islaamood la soo kala gaadh garna looba fadhiisay.

Naa kaalay ma Maantay Aqoontii shaqo kaala waynaatay, cajuusad yahay Aqoonta iyo Shaqada tee baa horaysa?!. waad arki doontaa  indhahaagoo shana haday hablahaaga jaahiliin kaa soo dooni waayaan,imikana ina kala daa dhabarkaagana  I tus, naa  gurigaygana ii dhaaf wuxu waydiimo badanaa ma Wariyaa  ayey tidhi islaantii canbaro iyadoo labada dhaban casaadeen xanaaq dartii.

Cibaado: Naa waanu kuu dhaafi habar yahay dhamaatay, Albaabkii qabb qabb kaba sii say si uu maagay iyada.

Dhammaadd .

Fadumo Bintu  Adan Buuni

Email: libaaxo.77@gmail.com

Hargeisa-Somaliland