“Dalkan Cir, Dhul Iyo Berriba Laga Soo Xidhay Dal Noqon Maayo,Haddii Ay Dawladani U Gogol Dhigaysay In Ay Koonfur Ku Shubto Way Muuqataa”

0
661

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin Md:Siciid Sulub Maxamed, sida oo kalena wakhtigan ah siyaasi miisaan leh oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Xukuumada talada dalka haysa u soo jeediyey dhaliilo aad u fara badan,waxaana uu sheegay in xaalada maanta ee dalku maraayo ay Xukuumadu u baahan tahay in si dag dag ah ay wadashi uga samayso,sida oo kalena waxaa uu carabka ku dhuftay in muddadii Afarta Sano ahayd ee ay Xukuumada Siilaanyo dalka hogaaminaysay ay u horseeday dalka burbur iyo dhibaatooyin fara badan, sida oo kale waxaa uu tibaaxay in aan Xukuumada maanta looga fadhiyin in ay Muddo kordhin samaysato haddii ay isku daydana ay umaddu aayahooda ka tashan  doonan.

Md:Siciid Sulub Maxamed aya sidan ku sheegay waraysi gaara oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika oo uu  kaga hadlay arrimo fara badan oo xasaasi ah,waxaana uu Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in ay dano dhaqaale raadis ah ka leedahay wadahadalada ay kula jirto dawalada Somaliya ee ka socda dalka Turkiga,Isa oo uu uga baaqayna in ay si dag deg ah u joojiso wada hadaladaasi. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

 S:Md:Siciid Sulub Maxamed muddooyinkii danbe waxaa soo noq noqonaysay in xuduudkii ay dawlada Somaliland la lahayd dalalka jaarka ah in ay u xidhmeen arrimo amni darro sida ay masuuliyiinta dawladu sheegeen,hadaba maxaad loo aanaynayn karaa in ay sabab u yihiin in dalalkii ugu dhawaa Somaliland  ay xuduudkoodii ka xidhaan, maadaama oo aad wasiir culus ka ahayd xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin?

Horta Waa nasiib darro labadii Dal ama Labadii waddo ee caalamka inooga furnaa ee qudha ahaa in ay inaga xidhmaan aad ayaa ay nasiib darro ay u tahay,arrintaana waxaan qabaa in ay sabab u tahay maamulka maanta jira oo sidii aanu hore ula macaamili jirnay ama xidhiidhkeenii ahaa ay wax ka badashay ama fududaysatay oo maalinkan maanta ah xidhiidhkii aan la’lahayn,macaamiladiina la’lahayn iswaydaarsigii xogta iyo wadashaqayntiina xaga Somaliland ay ka xumaatay ama Xukunkan maanta jira,nasiib darro wayn weeye. Labada shay ee u sababa ee arrintaa keenayna waxa weeye Amaankii oo ay dawladihii inala jaarka ahaa oo inagu kalsoonaa oo amaankeena ku kalsoonaa oo inoo daba fadhiyey dhinaca amaanka imikana ay amaankii ka shakisan yihiin oo xuduudaha iyo Somaliland dadkii ka soo baxaayey,Qodabka Labaadna waxa weeye dee Wasiir ku xigeenkii Amniga ee hore ee Dawladan maanta jirta ayaa maanta waxaa uu u xidhan yahay Xogo uu sheegay oo khatar ku ah Somaliland oo uu leeyahay Somaliland maamulkiisa iyo Dawladiisu waa argagixiso Isla markaa xogahaa Xogo lamid ah waxaa bixiyey taliyihii nabad sugida ee hore markaa dee waxa weeye dawlad iyada ragii Amaanka u qaabilsanaa ay sidaas u waramayaan Jaararkiina arkayaan dee markaa aaminkii ayaa yaraanaya.

Siyaasada arrimaha dibadda ee Somaliland marka aad eegto waxay mucaaradku sheegeen in muddooyinkii danbe uu ku yimi hoos u dhac Siyaasadeed,ka siciid ahaan maxaa keenay in Somaliland ku yimaado hoos u dhac Siyaasadeed oo dhinaca arrimaha dibada ah ayaad filaysaa?

Arrintaa waxaa u sabab ah KULMIYE intii aanu xukuumada noqon ee uu Xisbiga ahaa ayaa waxaa uu bilaabay in uu yidhaahdo Koonfur baanu la hadlaynaa iyo Koonfur meeshay tagtaanu tagaynaa iyo dalka go’doonbaa la galiyoo Kontiinar baa  lagu xidhay,arrinta caynkaas ahayd ee ay ku shaqayn jireen iyaga  oo Xisbi ah ayey markii ay Xukuumada galeena Adduunkii oo dhan waa ay iska xidheen Somaliland-na Kontiinarkii ay sheegayeen iyaga ayaa ku xidhay,Koontiinar ay ku xidheena waa Kontiinar ah in Somaliya uun la’la macaamilo oo la’la hadlo Somaliyana waataynu kala go’nay ee aynu ka cararaynay,markaa waxa weeye Caalamkii dhaqaalihii ku baxaayey ,socodkii iyo hanaankii siyasadeed ee Caalamka ka jiray AU-da aynu shirarkeeda ka qayb gali jirnay ama aynu qoraalada ku qaybin jirnay ama qadiyadeena aynu ka dhaadhicin jirnay dal wal oo Afrikaan,Yurub iyo meel walba ah ee aynu tagi jirnay waxii waa ay xidheen waxaana ay inoogu xidheen Koonfur oo qudha.Wadahadaladaas ay bilaabeena tusaale ahaan markii hore waxaa ay soo mareen Ingiriiska ayaa bilaabay Ingiriiskii waa ay ka soo guureen Imaaradkii ayaa ay yimaadeen,maanta waxaa ay marayaan Turkiga,Turkiguna waxaa uu u cadeeyey in aanu isagu u jeedin gooni Isu taag ama gooni goosad oo uu leeyahay waxaan taageer sanahay Isu-tagii markaa ninkaa kuu cadaystay ee ku yidhi isu tagii ayaan ku shaqaynayaa in aad dhex ka dhigato ma ahayn oo aad wax waydiiso waaba uu kuu cadaystay mar horeba heshiisyadii lagalay ee ay kamid ahayd tii hawada ee lagu galay Turkigana Koonfur waa ay ka baxday markaa gabi ahaanba taasi waxaa ay ku qirsiinaysaa in ay Dawladani ay shilimo raadis ay tahay oo ay dhaqaale raadis ay tahay oo qadiyada Somaliland ee gooni isutaagana aanay raadinayn Turkigana ay ka doonayan uun dhaqaale Isla markaana isaga oo leh Koonfur taga dhaqaale ay kaga qaadaan awgeed waayo Koonfur ayaanu tagaynaa in ay leeyihiin ayaa ay u eeg tahay Markaa arrintaasina waa arrin inagu khatar ah,waxaan soo jeedinayaana waxa weeye waar dalkan Cir, Dhul iyo berriba laga soo xidhay dal noqon maayo,haddii ay Dawladani u gogol dhigaysay uun in ay koonfur ku shubto intay dunida o dhan ka xidhana waa ay muuqataa,waxaan se aad ula yaabanahay shacbigii iyo umaddii gooni isu taaga samaysay ilayn siyaasi ma samaynee ee aan dareemayn in Albaab walba laga soo xidhay halka lagu wadaana ay Xamar uun tahay arrintaas waxaan leeyahay dawlada Somaliland Khatarbay afartaa Sanadood ay ku jirtaa wax kasii dhacaaya mooyaane waxba umasii kordhin ha joojiso wada hadalka Turkiga ka socda ee Koonfureed maadaama ay waxii ay kula heshiiyeenba ay ka baxeen hana u baydho in ay jiiraanka Afrika iyo Caalamka ka raadiso Ictiraafkii Somaliland,Anoo huba in nin aan Ictiraafka aaminsanayn ee maamulkan maanta hayaa ahi in aanu Ictiraaf keenayn aniga oo huba.

Xisbiyada Mucaaradku walaac xoogan ayaa ay ka muujinayaan in doorasho dalka ka dhacdo adiguna hada waxaad ka mid tahay Xisbiga WADDANI,doorasho haday dalka ka dhici waydo maxaa Xal ah?

Markii hore ee aanu Xukunka wareejinayba war war baanu ka qabnay siday Doorashooyin u qaban doonto amaba ay Cadaalad u fali doonto waxaa iiga muuqata sidaas la sheegayo ee war warku muuqdo,laakiin waxaa meesha yaala Madaxweynaha waxaa aynu afkiisa ka maqal nay maalin laygu darri maayo,haddii ay taa beeniyaan oo qawlkaas uu Madaxweynuhu yidhi uu meesha ka baxo suuro galimayso in wax la kordhiyo,waxaa khasab ah in marka mudda’du ay dhamaato ay umaddu tashato,markaa taa ninkii maanta meesha u fadhiya ee leh korodhsiimo ayaan samaynayaa waa nin aan habeena jirin,sababta oo ah shantii hore ee lasiiyey ayaaba dalka ay burburkii dalka iyo in uu khariiradii caalamkaba uu ka sii baxaayo iyo dhibaatooyinkii jiray ay ciida ka badan yihiin,muddadan tobanka bilood ahna siday noqonba Illaah baa og,markaa haday doorasho qaban waayaan dee dalkani waxaa uu halkan ku yimi tashi umadeed oo uu dal ku noqday umaddaa ka tashanaysa. La soco cadadka sabtida, qaybta labaad ee waraysigan oo uu siyaasi Siciid Sulub Maxamed kaga hadlayo arrimo kale oo muhiim ah.