Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Dhaliilo Culus U Soo Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Sheegayna Inuu Maamulkii Rayaale Dhaamay

0
616

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, isla markaana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa  si wada jir ah u dhaliilay Siyaasada Xukuumadda Somaliland, oo ay ku tilmaameen, Siyaasad fadhiid ah. 

Xildhibaanada oo si wada jir ah ugu waramaayey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale waxa uu ugu horayn is barbar dhig ku sameeyey Xukuumaddii hore ee uu Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa, iyo Xukuumaddan uu Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Madaxweynaha ka yahay, waxaanu sheegay in Daahir Rayaale Kaahin uu ka tagay dal iyo dad mid ah, balse tan iyo markii uu Axmed Sillaanyo Madaxweynaha uu noqday uu ay uu dalkii kala go’ay dadkiina kala tageen.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa sidoo kale ka hadlay wada halada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in wada hadaladaas aanay wax tan ahi ugu jirin Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Madaxweynihii hore ee dalka ee Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu dalka ka tagay, oo uu xilka ku wareejiyey Madaxweynaha dalka ka taliya Maanta ee Axmed Siillaayno dalka oo mid ah, dadka oo mid ah, dadka oo isku duuban, Maamul Goboleed aan jirin, laakiin markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Siillaanyo, ayey soo baxeen Maamul Goboleedo isku magacaabay Khatumo State, Awdal State, SCC iyo wax la mid ah, dadkii mid ka ahaa markaas ayey coloobeen, dalkii midka ahaa markaas ayuu kala furmay,waxa badan oo lagu dhaliili jiray Xukuumaddii Daahir Rayaale ayaa Maanta ka sii daray, waxaana u arkaa inay Xukuumaddani tahay mid fadhiid ah, oo aan danta dalka iyo dadkaba dan ka lahayn”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Waxa kale oo aynu arkaynaa in Maanta Xududihi aynu la lahayn Jabuuti iyo Itoobiya oo aan hore loo xidhan hadda la xidhay, taasina waxa aynu odhan karnaa waa Siyaasada liidata ee Xukuumaddan”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka hadlaya wada hadaladla Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Xukuumadda dalka ka talisa iyada ayaa sabab u ah in Hawada Somaliland lagu wareejiyo Somaliya, maxa yeelay Shirkii ugu horeeyey ee aynu la galno Somaliya waxa ka soo qeyb galay dhammaan Maamul Goboleeda Somaliya, kuwaas ayeynu la meeqaam ahayn, hoos dhacaana waxa inoo keenay Xukuumaddan, waxaana halkaas lagu jabiyey qodob badan oo inaga wax ina  yeelay, in Maanta Hawadeena la inagu maamulana waxa inagu keenay Xukuumaddan, waxaana soo socota in Baddeena iyo Dhulkeena la inagu maamulo oo Somaliya inagu maamusho, waxa kale oo wax lala yaabo ah in Xukuumaddani tidhaahdo Hawada hoos ayaanu maamulayna”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ah ahna Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa sidoo kale dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay inay ayaan daro tahay in dalka ay ka wada dhoofaan Wasiiradii iyo Madaxdii Qaranku, isla markaana dalka la cidleeyo, waxaanu  tilmaamay in Hantidii Umadda ka dhexeeysay Xukuumaddani Sifo Sharci daro ah u isticmaashay, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddani sidii ay doonto ayay ugu takri fashay Hantidii dalka iyo dadka, waxa ay Hargeysa ka iibisay 200 oo Guri, Burco waxa ay ka iibisay 8 Guri, Berbera Guryo ayay ka iibisay, Magaalooyinka iyo Deegaanada kalena Guryo ayey ka iibisay, waxa kale oo dhab ah in Lacagtii iyo Hantidii Umadda sida ay doonto Xukuumaddani ugu takri falayso, waxa aynu ognahay in goobihii ugu muhiimsanaa ee Bulshada ka dhexeeyey ay Maanta baaba yihiin sida Hay’addii Korontada oo la sheegay in la iibinayo, kheyraadkii dalku lahaa ee dadka ka dhexeeyo ee ahayd in Xukuumaddu ilaaliso, ayaa iyadii sida ay doonto u isticmaalaysa, iyada oo aynu ogeyn markii uu Madaxweynuhu ahaa Mucaaradka wax badan oo uu ku dhaliili jirey Xukuumadda Daahir Rayaale in aanu waxba ka qaban”.

Xildhibaan SIciid Warsame Ismaaciil isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynihii dalka ugu sareeyey wuu maqan yahay, qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradduna wey sii raaceen, Wasiiro badan oo dalka ka maqana wey jiraan, laakiin waxa aan aad ula yaabay Wasiirka Maaliyadda oo Wasiirul dawlihiisi xanuunsanayo, Agaasimihiisi u diray Kenya, isaguna dalka ka tagay, markaas dalka waxa ku soo hadhay Saddex ilaa Afar Wasiir, nidaam dalka lagu hagi karo ama lagu maamuli karo maaha, ee waxa aan u diraya Madaxweynaha fariin, aniga oo ku leh Madaxweynaha Guriga aad dhisayso, Wasiiradda ayaa Jiingadii ka qaaday, ee inta aanay Jaajuurka kugu soo doonan, oo aanay ku ceebayn iska qabo, oo hoos u eeg”.

Xildhibaan SIciid Warsame Ismaacil (Gaane), oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xukuumaddii hore ee dalka ka talin jiray Nabad, Wanaag, Walaaltinimo, Xabad la’aan iyo soo dhaweyn ayey ku gaadhay oo ay ku qabsaday Laascanood iyo Gobolka Sool, iyada oo Beesha Caalamkuna aad u soo dhaweeyeen, laakiin Xukuumaddani iyada oo  Taleex gaadhay ayaa lagu amray inay dib uga baxdo, iyada oo Caalamku aad uga cadhoodeen, taasna waxa  keenaysa dhibta farsamo xumada iyo Siyaasada Xumada Xukuumaddan”.