Hargeysa: Shirkada Shire-Hass Oo kaalin shiidaal iyo Tukaan Weyn Ka Furatay Xaafadda Shacabka

0
910

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiir xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Bashiir Cabdi Xariir,  ayaa  habeen hore xadhiga ka jaray xarun ganacsi oo cusub  oo laga furay magaaladda Hargaysa, xaruntaasi oo isugu jirta Super Market iyo  kaalin Shiidaal oo casri ah,  oo magaceeda la yidhaahdo Shire-Hass Gas station  and Fuel Station.

Xaflada aad u balaadhan oo  xadhiga lagaga  jarayay   xaruntani ganacsi ee cusub  oo lagu qabtay halka laga hirgeliyay oo ku taalla xaafadda shacabka ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay wasiir ku xigeenada wasaaraddaha ganacsiga,  kalluumaysiga iyo  masuuliyiin kala  duwan oo ka tirsan xukumadda Somaliland.

Bashiir  Cabdi Xariir wasiir xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah  oo isagu si rasmi ah xadhiga uga jaray xaruntaasi ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan si aad ah u soo dhaweynayaan xaruntani ganacsi ee casriga ah. Isla markaana uu qorshaha wasaaradda ganacsigu yahay in ay dhiiri geliso ganacsatadda muwaadiniinta ah ee dalka ka hirgeliya.

Isaga  oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasaarad ahaan waanu dhiirigalinaynaa ganacsiga madaxa-banaan,  qorshaha wasaaraduna waa inuu horumariyo  ganacsiga  iyo maalgashiga ay samaynayaan muwaadiniinta reer Somailand.  labadan shirkadood ee Shire   iyo Hass-Petroleum kaalinta iyo super market-yadda  casriga ah ee ay magaladda Hargeysa  ka hirgeliyeen  waanu soo dhawaynaynaa wasaarad ahaan ayuu yidhi Wasiir xigeenka wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlayay furitaanka kaalinta iyo subermaarkidka cusub ee casriga ah.”
Sidoo kale Wasiir xigeenka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badaha C/kariin Axmed Mooge oo isna ka hadlay furitaanka kaalinta iyo super marke-yadan is huwan ee  casriga ah ayaa soo dhaweeyay xaruntan ganacsi ee casriga ah ee laga furay magaaladda Hargaysa, isaga oo muwaadiniinta hirgelinayayna ku amaanay horumarka iyo bilicda ay magaaladda ku soo kordhiyeen.

Waxaanu  yidhi “Waan soo dhawaynaynaa fikrada cusub ee uu keenay ninkan dhalinyaradda ah ee Maxamed Xasan  Shire (Mulkiilaha xarunta ganacsiga) waxaanan  leeyahay waa in dhalinyaradu dalkooda u fikiraan oo shaqooyinka noocan oo kale ah ka abuurtaan,  si tahriibku inooga yaraado.”

Maxamed Xasan Aadan (Shirre) oo ah Mulkiilaha kaalintan Shiidaalka  iyo super market-kani  ganacsi ee  cusub  oo isna xafladaasi xadhiga lagaga jarayay   hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay qaybaha ay ka kooban tahay xaruntani ganacsi ee casriga ee uu hirgeliyay, taasi oo uu sheegay in ay isugu jirto qayb dukaamaysi, Kaalin Shiidaal iyo sidoo kale qayb lagu iibiyo qalabka kala duwan ee dayactirka Gaadiidka.

Waxa kale oo uu sheegay  Maxamed Xasan Aadan (Shirre) oo ah Mulkiilaha kaalintan Shiidaalka  iyo super market-kani  ganacsi ee  casriga ah in sidoo kale xaruntani laga heli karo qaybta lagu maydho  Baabuurta oo  casri ah. Waxaanu u mahad naqay dhamaanba dadkii kala duwanaa ee xafladaasi ka soo qayb galay.
Waxaanu yidhi  “Kaalintan  iyo super market-kani   cusub ee Shirre company   iyo  Hass-Petroleum ayaa iska kaashaday oo wado sameeyay,  u jeedada ugu wayna ee aanu fikradan u keenay waa in dadkeena la tuso in uu wali dalkeenu  dihiin yahay oo qofkii fikrad keenaaba  uu helayo cid maalgelisa. Waxaan u mahadnaqayaa dhamaan madaxda kala duwan iyo marti sharafta ka soo qaybgashay.”