Dhaska Oo Neefta Raacaa Waxa Uu Keenaa Illow Badan, Calool Istaag, Dhabar Xanuun, Xasaasiyad Iyo Xanuuno Kale

0
871

Picture8Hargeysa (Geeska)- Boodhku waa shay ku dhex milma hawada oo aad u yar, il-ma qabatay iyo ili qabatay labadaba waa uu noqdaa. Waxa uu ka kooban yahay walxo badan oo ay ka mid yihiin hadhaaga xoolaha, dhirta, dawooyinka, kaarboonno, bakteeriya, ciid budo noqotay, maaddooyin ka soo hadhaa gubashada, dambas, hadhaaga wax yaabaha la warshadeeyo, cudbi iyo suuf, waraaqo, hadhaaga ciddida oo burburay, timo, iniinyo jeermis leh iyo cayayaan. Waxyaabahani dhammaantood inta ay burburaan ayaa ay ka mid noqdaan boodhka, marka uu qofku neefsadana waxa ay  keenaan haliso caafimaad oo badan, oo xataa qaarkood ay gaadho in shaybaadhku waxba ka qaban kari waayo ama la garan waayo sababta xanuunka keentay.

Sida ay caddeeyeen khubarada caafimaadku waxyaabaha uu keeno boodhka oo qofka u raaca neefta waxa ka mid ah, Daal badan, illawga oo qofka ku bata, amateedka cuntada oo ka luma, calool istaag joogto ah, dhabar xanuun, dhegaha iyo sanka oo cun cun yeesha, marka laga tago dhibaatooyinkan oo ay ragga iyo dumarkuba wadaagaan waxa dheer in dumarka uu boodhkani ku keeno xilliga caadada oo khal-khala. Waxa ay khubaradu sheegeen in boodhka laga hadlayo ee marka uu qofta neefta u raaco keenaya halista caafimaadka uu ka mid yahay, hadhaaga caarada badanaaba ku samaysanta guriga, hurgufka dharka iyo furaashyada, barkimooyinka ka samaysan baalka shimbiraha, roogagga oo marka ay muddo goglanaadaan ay ku dhex burburaan cayayaannada yar-yar ee ili maqabatayga ah ee ku dhex dhinta, cayayaankani marka ay budo noqdaan waxa ay dad badan ku keenaan xassaasiyad sanka ama indhaha ah, waxaana inta badan la arkaa qofka oo laga yaabo in indhuhu iska ilmeeyaan, hindhiso badan oo marka dambe isu beddesha sanboor, cun-cun mararka qaarkood jidhka lagu arko, gaar ahaan carruurta.

Siyaabaha ugu fiican ee qofku uu kaga hortegi karo halista kaga imanaysa boodhka iyo dhaska neefta u raaca waxa ka mid ah, nadaafad joogto ah oo lagu sameeyo guryaha iyo qofka oo aad uga taxadira ku dhex neefsiga goobaha lagu tuhmayo boodhka.