Milicsiga Waraysi Uu 1994 Dr. Maxamed-Rashiid Ka Qaaday General Maxamed Faarax Caydiid

1
1353

Picture3Caydiid Oo Maanta Ka Waramay Kulankii Uu La Yeeshay Siyaad Barre, Markii  Isaga Iyo Cabdillaahi Yuusuf Xabsiga Laga Sii Daayay

Akhristayaal, waxaanu maanta idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee waraysigii uu Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan la yeeshay General Maxamed Faarax Caydiid, bishii April 1994, wakhtigaas oo uu Maxamed ka tirsanaa laanta afka Somaliga ee BBC. Maxamed-Rashid, hadda waa wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Somaliland.

Maxamed Faarax Caydiid, wuxuu qaybtan maanta kaga waramayaa kulankii uu Maxamed Siyaad Barre la yeeshay markii xabsiga laga sii daayay isaga iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Qaybta labaad waxay u dhacday sidan:

Waxaan maqlay in Gen.Daa’uud uu ku dardaarmay in ciidamada laguu dhiibo markii uu dhintay kadib,miyuu ku dardaarmay sidaas?

Gen.Daa’uud markii jiradii xumayd ee naftiisa dishay ay ku dhacday, Itaaliya ayaa loo qaaday halkaas ayaana lagu baadhay, nin Faldon la odhan jiray oo cilmigiisu uu aad u sareeyay ayaa ogaaday inuu Kansal qabay,markii la yidhi muddo laba bilood ka badan nolashaadu ma sii jirayso,waxa uu u yeedhay nin kornayl ah oo konti la odhan jiray oo Somaliya joogi jiray ciidamada xooga dalkana ka tirsanaa,ninkaas waxa uu u dardaarmay warqad taas oo uu u soo diray madaxweynii markaas dalka ka jiray, oo uu ku soo dardaarmaayo (anigu jirada tan laygu sheegay kolay ka kacimaayo  waxaanse ku dardaarmayaa in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed loo dhiibo Maxamed Faarax Caydiid oo aan u arko ninka kaliyaata ee ciidamadaas hoggaamin kara,)waxaanu iigu yimi 1965-tii Furunsi intii aanu Xamar u noqon,waxa uu yimi Moosko, halkas ayaan kula kulmay oo aan ku soo dhawaynay madaarka cisbitaal weyn oo saraakishu seexato ayaana la seexiyay halkaas ayaa lagu daweynaayay oo arinta iigu sheegay,markii uu dhintayna aniga ayaa soo qaaday oo maydkiisa Xamar keenay.

Gen.Daa’uud waxa uu ahaa nin hoggaamiye ah oo weyn oo nimankii umadda Soomaliyeed u kacay nasiib wanaag ayuu ahaa,nasiib daro laakiin isaga oo wali wax tarkiisii weynaa uu u socdo umadda oo la dhadhamiyay ayuu dhintay xusuus weyn ayuu umadda Soomaaliyeed ku reebay xooga Soomliyeeda waxa uu ku lahaa sharaf weyn,wadanina waa uu ahaa,nin cilmiga booliska iyo ciidamada oo kaliyaata bartay  muu ahayn,ee waxa uu ahaa ragii ugu horeeyay ee machadka jaamacada la midka ah ee Xamar ka qaatay Diploma,dardaarankiisiina lama fulin,goormaad aragtay nin si cadaalad ah loogu dhiibo jagada uu mudan yahay,markaas ninkii odayga ahaa dalkan 21-ka sano kaligii taliyaha ka ahaa,waxa uu sameeyay dhaqdhaqaaq badan waxaanu hoos rooray dawladii markaas jirtay,isagaana meeshi lagu magacaabay,rag kale oo naga darajo sareeyayna waa ay jireen inkasta oo ay booliska ka soo jeedeen,iyagiina iyagaa ku xigeena ahaa,anaguna hawshii ciidanka waanu wadnay oo wax cuqdad ahi naguma ay dhalan,waxaanan si sharaf  leh ugu adeegnay umadda Soomaaliyeed,dhinaca difaaca,waxaanan ka qayb qaadanay mujtamaca horumarkiisa iyo ka qabgalka xataa arimaha siyaasada waxaanu ku dadaali jirnay inaan dadka ku waanino waxii wanaagsan.

Sow lama odhan karo Maxamed Siyaad Bare warqadaas waa uu ka war hayay   oo markii uu dhacay inqilaabku  waxyaabaha uu kugu fogeeyay taas ayaa ka mid noqon karta?

Runtii waa uu ogaa, maaha oo kaliyaata markii aan maydka keenay oo aan toban casho joogay si aanan ula xidhiidhin dawlada iyo warqada arimaheedii aanan anigu u                                                                   baadhin isla diyaaradii  ku noqo ayuu amar igu siiyay,markaas anigu isma galin xumaan,waatan ku idhi Alle ayaan aaminsanahay markaas waxaan idhi waxii Alle kuu xukumay ma gafaysid ee tacliintaada iska aad,warqadaana aad ayaa looga war helay oo Soomaalida cid kastaa way la socotay.

Caydiid Waxaynu ku soo noqonaynaa markii adiga iyo Cabdilaahi Yuusuf Aad xabsiga ka soo baxdeen ee laydiin keenay Maxamed Siyaad Bare,bal arintaas iiga waran?

Waxay ahayd 21-October waxaanu isagu isku diyaarinaayay dabaal dagii markaas 12-kii habeenimo ayaa nala keenay guryahayaga,hadana labadii habeenimo markii ay ahayd ayaa isaga naloogu geeyay Afisyoone, halkaas markii uu nagu qaabilay saraakiil kalena way la joogtay,waanu isa salaanay waana nala fadhiisiyay markaas waxa uu bilabay inuu yidhaahdo (danbi umadda Soomaaliyeed kamaydaan galin, waxa laydinku haystayna may jirin, waa laydinka baqay, hadana waa laydiin baahan yahay waxaanan doonaynaa in shaqadii qaranka ee aad sharafka weyn ku lahaydeen inaad hadana halkiinii hawsha ka wadaan oo laydiin dhiibo jagooyin,jagooyinkaasna aad raali ku noqtaan).

Anaguna hore ayaanu u soo tashanay oo waxaanu nidhi hadii jagooyin inoo qalma umadda Soomaaliyeedna ku qanci karto laydiin dhiibo nooc kasta ha’ ahaadeene yeela,hadii kalena ha yeelina oo markaas iskiin u shaqaysta,markaas Cabdilaahina waxa lagu magacaabay shirkadii la qarameeyay ee FIAT anigana midii daawooyinka,labadaas haayadood ee waaweyn markii naloo dhiibay waanu ogayn in aanu ciidamada dib noogu celinayn,waanan aqbalnay jagooyinkii si sharaf leh ayaanan uga shaqaynay mudadii aanu haynay, waakii dagaalkii Itoobiya dhacay oo ciidamada ayaa naloogu yeedhay markii dagaalkii dhamaadayna aniga waxa laysoo galiyay Xamar,waad xasuusantahay oo inqilaab ayaa dhacay,Cabdilaahina waxa uu joogay dhanka Doolaw anigun Saylac agtiisa, iskamaanu war qabin,inqilaabka nin Cirro la yidhaahdo ayaa hoggaaminaayay Cabdilaahi dadkii lagu eedeeyay ayuu ku jiray,anigana baadhitaan ayaa laygu sameeyay,goaankii la gaadhayna waxa uu noqday Cabdilaahi inqilaabka iuu ku jiro, Caydiidna kama maqna anigu markaas khatarbaan ku sugnay oo markii Xamar lay soo galiyay runtii waxay ahayd in lay xidhaa,markaas Alle ayaa iga badbaadiyay oo la taliyaha xaga ciidamada ayuu igu magacaabay halkaas ayaa waardiye laygaga hayn jiray ilaa lix sano iyo badh ayaan halkaa joogay, ilaa markii laygu magacaabay safiirnimada Hindiya,Cabdilaahina waakii ururka SSDF-ta  aasaasay oo waatuu halganka galay. …La soco.                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                    

Comments are closed.