3 May: Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Iyo Xaaladda Somaliland

0
704

Picture7Hargeysa(Geeska)-Maanta oo ah 3 May, waxa ay ku beegantahay maalinta loo asteeyay maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka, waxaana maanta dunida lagu qabanayaa munaasibado kala duwan oo maalintan lagu xusayo.

Maalintan oo ay Qaramada Midoobay u astaysay maalinta xorriyadda saxaafadda, ayaa marka la eego Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland ku jirto xaalad war-war leh. Maanta waxa ay saxaafadda Somaliland maalintan xusaysaa iyadoo ay albaabadu u xidhanyihiin Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal. Labadan wargeysba waxa xarumahoodii fadhiya ciidamo Boolis ah, ka dib markii maxkamadu xayiraadaas amartay.

 

Waa markii u horaysay ee ay saxaafadda Somaliland maalinta 3 May ku xusto xaalad noocan oo kale ah, waxaana xusida mudan inuu jiro muwaadin magaciisu yahay Jaamac Cilmi Jiir, oo ay maxkamadu ku xukuntay xadhig gaadhaya dhawr sannadood, ka dib markii uu qorey maqaal uu ku dhaliilay xukuumadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaate, saxaafadda Somaliland waxa ay maanta qabanaysaa munaasibad ay ku xusayso maalintan, waxaana la filayaa inay si gaar ah ugu soo suntan xaaladda adag ee ay ku suganyihiin.