Zambia Oo Bilowday In Ragga Qaangaadhka Ah La Gudo, Si Looga Hortago AIDSKA

0
640

Picture3Lusaka (Geeska)- Xukuumadda dalka Zambia ayaa mar kale sii dardar gelisay ol’ole ballaadhan oo gudniin aan qasab ahayn lagu samaynayo ragga qaan-gaadhka ah ee dalkaas. Olo’olahan oo qorshihiisu uu yahay in lagu gudo 2 Milyan oo ah rag ay da’doodu u dhaxayso 15 illaa 49 sano inta ka horrysa bilowga sannadkan, ayaa dhammaan deegaannada dalkaas si xaami ah uga socda, in kasta oo ay jirto cabsi weyn oo laga qabo in aanay xukuumaddu muddada uga hadhay waqtigii ay qabsatay ku gaadhi karin tiradaas ay bar-tilmaameedsanayso.

Xukuumadda dalkaas ayaa gudniinka u aqoonsatay in uu yahay hab lagula dagaalami karo cudur-sidaha dila hab-dhiska difaaca qofka ee loo yaqaanno HIV/AIDS ka iyo kansarka ku dhaca afka hore ee ilma-galeenka (Makaanka) iyada oo tiro-koobyada caafimaadku ay sheegayaan in dadka dalka Zambia oo tiradoodu dhan tahay 13 Milyan boqolkiiba 13 ka mid ahi ay qabaan cudurka AIDS ka.

Haayadda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo gaabiyo WHO ayaa hore u sheegtay in gudniinka raggu uu boqolkiiba 60 hoos u dhigo faafitaanka cudur-sidaha HIV, sidoo kale gudniinka raggu waxa uu yareeyaa in ninka xaaskiisu ay qaaddo kansarka ku dhaca illinka makaanka, maadaama oo ay aad u yar tahay suurtogalnimada faafitaanka cudur-sidaha  HPV oo ah sababta ugu weyn ee keenta kansarkan.

Markii ay xukuumadda dalka Zambia sannadkii 2009ka bilowday barnaamijka gudniinka aan qasabka ahayn ee ragga, waxa ay filaysay in la gudi doono ugu yaraan 250 kun oo qof sannad kasta, waxa aanay abuurtay in ka badan 300 oo xarumood oo hawsha gudniinka qabta iyada oo sidoo kalana tababartay boqollaal shaqaale caafimaad ah oo gudniinka sameeya. Laakiin wasiirka caafimaadka dalka Zambia Joseph Cassonda ayaa sheegay in aanay aad ugu faraxsanayn tirada ragga gudniinkan aqbalaya oo boqolkiiba 75 ka yar tiradii 2 Milyan ahayd ee ay beegsanayeen in ay gaadhaan inta ka horreysa bilowga 2015ka iyada oo uu hoosta ka xariiqay in culaysku uu ka haysto deegaannada aanu marka hore ka jirin dhaqankan gudniinku. Si kastaba ha ahaato ee wasiir Cassonda waxa uu sheegay in ay illa hadda hawshaasi si fiican ugu socota ragga da’ahan ah ee ay gudeenna tiradoodu gaadhayso illaa 700 oo kun oo ruux.

Dowladda Zambia oo caawimo dhan 11.4 Milyan oo doolar ka heshay Sanduuqa cawimooyinka ee Madaxweynaha Maraykanku ugu talogalay gurmadka degdegga ah ee AIDS ayaa doonaya in uu caawimadaas uga faa’idaysto gudniinkan oo ah hab uu kula dagaalamayo cudur-sidaha AIDSka iyo kansarka makaanka afkiisa hore ku dhaca. Iyada oo ay jiraan dalal kale oo Afrikaan ah oo iyaguna sidan oo kale barnaamij gudniin u wada.

Wasiirka caafimaadka Zambia waxa uu sheegay in sababaha caqabadda keenay ay ka mid tahay dalka Zambia oo markiisa hore aanu gudniinku aad uga jirin, isaga oo sheegay in tiro aad u yar oo dadka dalkaas ahi uun ay is gudaan, sidaa awgeed ay shaqaalaha ol’olaha gudniinku dhibaato weyn ka haysato qancinta raggan aan hiddaha iyo dhaqanka u lahayn gudniinka.

George Ciobolabalem oo ah bare-sare oo cilmiga bulshada ku xeel-dheer ayaa isna shabakadda Al-jazeera oo uu wargeyskan Geeska Afrika warkan ka soo xigtay u sheegay in arrinta kale ee carqaladda keentay ay tahay iyada oo xukuumaddu dhaqaalaha ol’olaha gudniinka ku dartay dumar, taasina ay keentay in rag badani ay dhaqan ahaan ku dhiirran waayaan.