“Yaan La Dhayalsan Awaamiirta Dawladda..”

0
561

Agaasimaha Guud Ee W.Waxbarashada

Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Axmed Abokor Maxamed ayaa ka hadlay fasaxa la fasaxay ardayda dhigata qaybaha kala duwan ee Waxbarashada Somaliland, waxaanu ku taliyey in si toos ah loo qaato awaamiirta ka soo baxday Xukuumadda ee ku waajahan  fasaxa la fasaxay Ardayda iyo in si toos ah loogu dhaqmo wax kasta oo lagaga hor tagi karo xanuunka Coronavirus ee dunida aadka ugu fiday.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor Maxamed oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladdu waxay waddaa danta dadkeeda, waxayna rabtaa inay Allaah sokadii dadkeeda badbaadiso, kana badbaadiso inuu xanuunka Coronavirus uu dalkeena soo galo, sidaas darteed ka hor tagista ayaa ka wanaagsan daawaynta, inaynu ka hor tagno wax kasta oo khatar inagu ah diinteena ayaa inoo faraysa oo Nabigeena nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate ayaa inoo sheegay, xanuunkan halista ahna ALLE ha inaga haye, waxaynu u fasaxnay goobaha Waxbarashada ee kala duwan si aynu u feejignaano, oo aynu uga badbaadno xanuunka Coronavirus ee sida dhakhsaha badan u fidaya.”

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Allaah ayaynu marka hore uga mahadnaqaynaa inaanu xanuunkani dalkeena ka jirin, soona gaadhin, Allaahna inama soo gaadhsiiyo, dalalka kale ee aynu jaarka nahay oo ah dalalka ee muslimiinta ah iyo guud ahaan dalalka kale ee Caalamkaba  Allaah ayaa ka dul-qaadi kara. Sidaasi darteed Awaamiirta ka soo baxay Dawladda sideeda ha loo dhaqangalyo, oo yaan la dhayalsan, goobaha waxbarashadana sida loo fasaxay ayaan waxba laga beddelin,  maxaa yeelay Dawladdu waxay wadaa danta dadkeeda iyo dalkeeda”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here