Xuska 8 March: Ha Laga Cidhib Tiro Somaliland Tacadiga Ka Dhanka Ah Dumarka

0
552

humanHargeysa(Geeska)-Xarunta xuquuqal insaanka Somaliland ayaa war-murtiyeed ay soo saartay waxa ay ku baaqday in la cidhib tiro tacadiyada ka dhanka ah haweenka Somaliland, waxaanu warkani ku soo beegmayaa iyadoo maanta la xusayo maalinta haweenka dunida ee 8 March.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha xaruntan Guuleed Axmed Jaamac, ayaa waxa lagu yidhi sidan  “Sanad walba waxa laga xusaa dunida oo dhan 8 March Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka. Haweenka Somaliland uma dabaal degayaan guul. Caqabado badan ayaa ka hortaagan inay helaan xorriyadaha iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ahi siiyeen.

Haween bay dhibaato ka soo gaadhaa gudniin, garaacis, kufsi iyo tacadiyo kale. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland inay la dagaalanto tacadiyada ka dhanka ah haweenka. Hogaamiyayaasha qabiilada ayaa ku ah caqabad in haweenku helaan cadaalad. Waa inaan loo ogolaan in hogaamiyayaasha qabiiladu ay faro-geliyaan dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo oogo dadka gala dacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Hal ku dhegga sanadkani (2015) waa “Dumarka oo la Awoodsiyaa waa Banii-adantinimada oo la Awood siiyay: Bal Sawiro”. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa xisbiyada siyaasadda, baarlamaanka iyo dawladda inay kor u qaadaan ka qabygalka haweenku ku leeyihiin siyaasadda. Haweenku aad bay ugu yar yihiin saraakiisha sar sare ee dawladda iyo shaqaalaha, ha noqdaan kuwa dawladda iyo goobaha gaarka loo leeyahayba.”