Wasiir Samsam Oo Xilkii Kala Wareegtay Cabdicasiis Samaale

0
485

samsamHargeysa(Geeska):-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Somaliland Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale xilkii wasaaradas ugu wareejinaayey wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada dhawaan loo soo magacaabay ee Marwo:Samsam Cabdi Aadan ayaa ka dhacday xarunta wasaarada arrimaha gudaha ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ka soo qayb galay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland, wasiirkii hore maaliyada, wasiirka cusub ee maaliyada, wasiiru dawlaha, agaasimaha, wasiiro ka tirsan xukuumada, xildhibaano, madaxdhaqameed, iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi:"Waxaan xilka wasaarada maaliyada la wareegay 20.03.2012kii, waxaana aan xilka wasaarada maanta(shalay) wareejinayaa 07.03.2015ka, waxaan xilka wasaarada hayey muddo saddex sanadood ah, waxaan Illaahay ka baryeyaa wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada walaashay Samsam Cabdi Aadan, in Illaahy xilka u fududaydiyo, waxaana aan u sheegayaa in aan hiil iyo hooba la barbar taaganahay, waxaan xilka wasaarada la wareegay miisaaniyadii 2011ka oo ahayd $88million ay soo baxday oo kaliya 83million oo dollar 5Million-na ay soo bixiwaayeen oo(Deficit) khasaare la galay. xiligaa miisaaniyada 2012ku golaha wakiilada ayey hortaalay oo aan la ansixin xiligaas, saddexdaas sanadood ee aan hayey xilka waxaan si kooban ugu soo koobi in miisaaniyada xukuumaduna ay 180Million tahay, miisaaniyada qarankuna ay maanta tahay 251Million oo dollar, waxaan mahada iska leh Illaahay iyo dad kale oo aan xusi doono oo wasaarada maaliyada ka tirsan haday tahay agaasimaha wasaarada maaliyada, wasiiru dawlaha, agaasime waaxeedyada iyo haday tahayba masuuliyiinta kastamada iyo cashuuraha, oo aan odhan karo waa dadkii suurta galiyey hawsha wasaarada iyo sida oo kale dhamaanba dadka shaqaalaha ah ee wasaarada maaliyada.”

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay masuuliyiin aad u tira badna ku waasi oo dhamaantoodba ku dheeraaday kaalintii muhiimka ahayd ee wasiir Samaale ka soo ciyaaray wasaarada maaliyada iyaga soo sida oo kalena wasiirada cusub ee marwo Samsam ku bogaadiyey una rajeeyey in Illaahay ku asturo xilka culus ee loo dhiibay.

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi hadalka soo gunaanaday wasiirka cusub ee wasaarada maaliyaa Somaliland Marwo:Samsam Cabdi Aadan."Horta wasiirka aad ayaan ugu mahad naqayaa waayo waxaa uu ahaa laf dhabarta dawlada maaliyadana waxaa uu halkaa ku gaadhsiiyey waa dadaal iyo wanaag iyo niyad sami ayaa uu ku gaadhsiiyey, runtiina anaga ka wasaarad maaliyad ahaan si sharaf leh oo aad u wanaagsan ayaa uu noola shaqeeyey oo waxa aanu ula tagnaba waa uu naga caawin jiray, waxaan idiin sheegayaa horta waxa weeye waa amaano wax la isu dhiibayaa, macnaheeduna ma aha in aad adka ka fiican tahay se Illaahy ayaa kuugu doortay Illaahaynam arka uu kuugu doorto dambi badanina waa uu kugu socdaa waayo Illaahay qofkan uu igmaday isaga ayaa la xisaab tamaya, markaa aakhiradaada iyo aduunyadaadaba hadaanad illaashan oo marka horeba amaano ayaanu hayna ku saabsan caruurta iyo iskuulkoodii iyo dhaqdhaqaaqoodaba maantana, waxii ay quudan lahaayeen ayaa la soo saaray. Amaanadan maanta(shalay) la isku dhiibaya waxa weeyaan gabadha miskiinada ee saaka fadhiisatay cad ceeda iyo qofka miskiinka ah ee shaqaalaha ah ee suuqa fadhiya cashuurta laga soo ururiyo weeyaan  wax ciyaar ah maaha, wax si farxadleh iyo deg degna loola kala wareegana maaha, waayo waxa weeye waa amaano culus, waana amaano aad ogtihiin dadka laga soo ururiyey sida ay u jilicsan yihiin sida ay u dhibaataysan yihiin markaa Illaahay waxaanu ka baryeynaa oo aanu idinkana idin ka baryeynaa in aad si niyad ah iigu ducaysaan,cabdicasiisna waxaan ka baryeyaa in aanu iga fogaan ee uu ila shaqeeyo.”.Ayey tidhi wasiir Samsam Cabdi Aadan.