Xuseen Kenyaati Oo Beeniyay Inuu Xil U Doonanayo Somaliya

0
768

Hargeysa (Geeska)- Xuseen Xasan Rooble (X.Kenyata), Taliyahii hore Sirdoonka Somaliland ayaa si adag u beeniyey warar sheegayey in xil looga magacaabayo xukuumada Soomaaliya, sheegayna inuu dalkiisa iyo dadkiisa ku kalsoon yahay,una soo jeediyey warbaahinta inay hubiyaan wararkooda qoritaan ka hor.

Xuseen X. Rooble (X. Kenyata), oo isagoo jooga Hargeysa, shalay wargeyska Geeska Afrika wax kaga weydiiyey wararka ayaa sheegay, “Adeer, aad baan ula yaabay wararka warbaahinta qaarkood ku sheegeen xil la iiga magacaabayo Soomaaliya, waxaan leeyahay haba yaraatee waa war aan sal iyo raadtoona lahayn. Qolyaha qoray waxaan odhan lahaa hubiya warkaad qoraysaan. Joornaaladii qoray warka waa la daadiyey maanta (shalay) markii la igu arkay kaalinta Cali Mataan”

Isagoo raaciyey, “Waxaan ahay shaqsi xor ah meeshuu doono mari kara, laakiin, damac igaga jira xil aan ka qabto meel kale ama Soomaaliya, ma jiro. Anigu dalkayka waan aaminsanahay,dadkaygana waan ku kalsoonahay, shacabkaygana waxaan u hayaa abaal iyo ixtiraam, waanan u mahadcelinayaa mar kasta.”

Taliyahii hore Sirdoonka Somaliland ayaa guud ahaan u soo jeediyey  shacabka reer Somaliland gudo iyo dibeddba inay u midoobaan ilaalinta nabadgelyadooda xilligan oo doorashooyin innagu soo began yihiin, “Guud ahaan shacabka Somaliland guddo iyo dibbedba waxaan u soo jeedinayaa inay nabadgelyadooda adkeeyaan xilligan oo doorashooyin innagu soo dhow yihiin, lana shaqeeyaan hay’adaha amaanka qaabilsan.”