Xuseen Cali Ducaale (Cawil) Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey, Kana Hadlay Doorashadii Hoggaanka Cusub Ee Xisbiga WADDANI

0
610

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ka mid ah Hal-doorka siyaasiyiinta Somaliland, ayaa beeniyey Warar lid ku ah Sumcaddiisa oo lagu faafiyey Baraha Bulshada.

Arbacadii shalay, ayaa waxa Baraha Bulshada ku faafay War lagu sheegayo in Ambassador Cawil uu sheegay in Cabdiraxmaan-cirro aanu isa sharraxeen haddii uu ogaan lahaa Shaxda Xukuumaddu degayso iyo arrimaha khuseeya doorashada Mustaqbalka.

Laakiin, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo Telefiishanka SAHAN waydiiyey waxa ka jira Wararkan laga faafiyey, ayaa beeniyey isla-markaana ku tilmaamay kuwa ‘Been-abuur ah’.

Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo beeninaya Warkaa laga baahiyey ayaa yidhi “Xisbi Qaran oo Madaxdiisa doortay meel aan ka soo galo oo aan wax kaga sheegaa ma jirto, waa war been-abuur ah, kaasi oo la doonayo in Sumcaddayda lagu dilo runtii.”

Cawil wuxuu sheegay oo kale “Dadkeena waxa ku badan Dad Daciif ah oo aan ku dhicin inay sheegaan waxay doonayaan, markaa waxaan is leeyahay (Qofka waxan qoray) inuu yahay Nin is yidhi wax sheeg oo Safiirka ku qor, xaqiiqdiina waa arrin fool xun oo aan dhaqankeena ku jirin, Xisbi Qaran oo doorasho qabsaday oo Madax doortay meel aan ka soo galo oo aan wax kaga sheegaa  ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay sida uu u arko in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu Guddoomiye-nimada Xisbiga WADDANI ku wareejiyo Siyaasi kale “Nin Guddoomiye ah oo Siyaasi kale ku wareejiyey Guddoomiye-nimadii Sharafteeda ayay leedahay, Madaxweynihii hore ee Axmed-siilaanyo wuxuu ku wareejiyey Muuse Biixi, in la isku wareejiyo oo wax la isku ogolaado siyaasadda Wanaaggeeda ayaa ku jirta, in Aniga oo xil haya aan ku wareejiyo Qof kale Sharafteeda ayay leedahay, waana waxyaabaha Axsaabtu ka dhismaan.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office