Hargeysa (Geeska)-Eng: Muuse Cabdilaahi Nuur, oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay inay Xukuumaddani soo kordhisay dhaqano aan hore dalka looga aqoon, oo uu sheegay inay ka mid yihiin qabyaalada oo si khaldan loo adeegsado, Wasiiro iyo la taliyayaal aad u badan.
Eng: Muuse Cabdilaahi Nuur, oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Xukuumaddan uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Siillaanyo, waxay ina bartay dhaqano cusub oo aan dalka hore uga jirin, waxay ina bartay dhaqano aanay hore u lahayn Xukuumaddihii ka horeeyey, waxay ina bartay qabyaalada oo si khaldan Xukuumaddu u isticmaasho, oo wali taariikhda Somaliland lama arag Wasiir Qaran oo ku hadla erayo meel ka dhac ah oo ah in laba beelood heshiis yihiin, Xukuumaddani waxay ina bartay in Madaxweynihii Qaranku shir lagaga hadlayo qabyaalad inuu dhex fadhiisto, waxay ina bartay in Wasiiro, ku xigeeno, Wasiiru dawlayaal iyo La Taliyayaal aad u tiro badan oo aan dalku qaadi Karin in la magacaabo, waxay Xukuumaddani ina bartay in Wasiiradda Madaxweynaha isku habta yihiin in aan xilka laga qaadin, Wasiiro karti leh oo si daacadnimo lehna xilkooda u gudanaya in la erayo, markaas waxaynu ka baran karnaa in Xukuumaddani tahay Xukuumaddii ugu liidatay ee dalka soo marta”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Madaxweynuhu markii uu u baxay Gobolada Barri, wuxuu u baxay Olole, uu Kulmiye u soo ololaynayey, waxaana ka war qabnay in Madaxweynuhu hore u tanaasulay, wixii u sameeyey ee ka dhacay Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiyena waa la ogaa, wixii dhacay iyo in cid gaar ah loo xidhay, kolay waxay dhaliilan qoladan kulmiye sidii uu u dhacay Shirkii Golaha Dhexe ee Waddani, marka wax la qabanayo khalad dhaca lama waayo, balse waxaan ku kalsoonahay in Shirkii Golaha Dhexe ee Waddani ka wanaagsanaa kii Kulmiye, wixii khaladaad dhacayna dib loo saxay, ee waxaan Kulmiye iyo Xukuumaddaba leeyahay imika Olole sharci daro ah ayaad ku jirtaa, dadkana waad khaldaysaan ee khaladka joojiya, oo lacagta aad ololaha ku galaysaan dadka masaakiinta ah ee abaaruhu ku habsadeen ee wadhan Banka Wajaale ee bilaa hooyga ah wax ugu qabta, oo gargaar u fidiya, oo ILLAAHAY ka cabsada, oo is raafka iska daaya”.
Dhinaca kale wuxuu u mahadnaqay Guddida Abaaraha, gaar ahaan Guddida Abaaraha ee Gobolka Gabiley oo uu sheegay inay aad isku xil qaameen, aadna wax ugu tareen dadka ay abaaruhu hayeen ee deeganadaas yimid.