“Xukuumadii Rayaale Ayaa Kaga Wanaagsan Arrimaha Dibadda Xukuumadda Siilaanyo”Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare

0
508

Hargeysa (Geeska)-Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, oo Wasiir ka ahaa  Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale, ayaa sheegay in dib u dhac balaadhani ku yimid Siyaasadii Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhkii Beesha Caalamka iyo Wadamada jaarka, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddii hore kaga wanaagsanayd.

1

Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare, oo hadda ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dib u dhaca ku yimid Doorsahada Wakiilada iyo rajada uu ka qabo Shirka Golaha Dhexe ee Waddani , waxaanu yidhi “Caalamka iyo dadka reer Somaliland wey ka war hayaan faraqa weyn ee u dhexeeya rajooyinkii la qabay Xukuumaddii hore ee aan ka tirsanaa, iyo maanta heerka aynu marayno,  wakhtigaas Siyaasad fiican ayeynu Caalamka kula  shaqeeynayey, Wadamada jaarkana xidhiidh fiican baa inaga dhexeeyey, boqolkiiba boqol Xukuumaddii Daahir Rayaale ayaa kaga wanaagsanayd Siyaasada Arrimaha Dibadda Xukuumaddan, taasna dadku wey qirayaan, Caalamkuna uu qirayaa, xitta habka loola macaamilo Beesha Caalamka ama Hay’addaha Caalamiga hoos u dhac balaadhan baa ku yimid, Siyaasadii Arrimaha Dibaddana dib u dhac balaadhan baa ku yimid, farqi aad iyo u weyn ayaana u dhexeeya”.

Aadan Cilmi Dhoolayare Mar uu ka hadlaayey go’aankii Madaxweynaha ee uu dib ugu dhigay Doorashada Wakiilada ayaa yidhi “Xukuumadduhu mar bay go’aan gaadhan, haddii ay ka noq-noqdaana dhaliilo ayey ku yeeshaan, laakiin marka aad Xukuumad tahay, go’aankeedu waa mar, balse waxa haboon inta aan go’aanka la gaadhin in aad looga fiirsado, marka go’aan la gaadhayna talo laga fiirsaday oo dad weynaha wax laga weydiiyey ayaa la soo saara,  balse marka go’aan la soo saaro in haddana mar kale Xukuumaddu Gole iyo Maxkamad keento waa laga wanaagsanaa, waa tii Saddexda Xisbi loo dhiibay arinta saami qaybsiga, weyna ka baqeen inay go’aan ka gaadhan, dhinaca Xukuumadda, sida aynu ognahay Xukuumadduhu marka la doorto go’aamadooda ugu adag waxay fuliyaan saddexda sanno ee ugu horeeya,markaas madaama ay Xisbiyadii dib ugu soo celiyeen Madaxweynaha, waxa Madaxweynaha iyo Xukuumadiisaba la gudboon inay aad uga firisadan go’aankaas oo aanay ku deg degin”.

Mar uu ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee Waddani ayaa yidhi “Waayo-aragnimadu wey fiican tahay, haddii aan wax laga baran duruustii hore ee ku dhaaftayna dhibteeda ayey leedahay, in badan baynu soo marnay Shirar Gole Dhexe oo Xisbiyadu qabsadaan, oo lagu kala jabay, kuwaasna haddii aan wax laga baran oo khaladaadkii dhacay aan laga faa’iidaysan waa dhib, markaas iyaddoo Xisbiga Waddani ka faa’iidaysanaya khaladaadkii hore ee ku dhacay Xisbiyada, si wanaagsan buu u soo dhigay oo laba Musharaxa oo Jagada Madaxweyne u tartamya ayaa Golaha ku dhex tartamaya,  musharixii laga guulaystana uu ku qanci doona, oo wax uur xumo ah qaadi maayo, oo saxeex baa laga qaaday, balanqaadna wey sameeyeen”