Xildhibaan Baar Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujisay Natiijada Shirka Waddani

0
555

Hargeysa (Geeska)-Marwo Baar Siciid Faarax oo ka mid ah Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadashay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani, waxayna sheegtay in Shirkani ka duwanaan doono Shirarka Golayaasha dhexe ee Xisbiyada kale qabsadaan, wax khilaaf ahina aanu ka dhalan dooni, oo uu si cadaaladi ku dheehan tahay u dhici doono.

1

Marwo Baar Siciid Faarax oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegtay in taageerada iyo awooda Xisbiga Waddani maalinba maalinta ka sii dambaysa ay sii kordhayso, waxayna tidhi “Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani, ee dhici doona Arbacada, isku diyaarintiisi si fiican bay ilaa hadda u socotaa, waxaanu filaynaa oo aanu ku rajo weynahay inuu Shirku ku dhammaado si fiican, ku kalsoonahay oo hubaal ah in Xisbigu isku duuban yahay oo aanu wax khilaaf ah ka dhalan doonin sida Xisbiyada kale, waxaana xaqiiqo ah in natiijada ka soo baxda lagu wada qanci doono”.

Marwo Baar mar ay ka hadlaysay Taageerada Xisbiga ayaa tidhi “Xisbiga Waddani maalinba maalinta ka dambaysa awoodiisa iyo taageeradiisuba wey sii kordhaysa, oo Siyaasiyiintii ugu misaanka cuslaa ayaa ku soo biiray, guul ayaanan u rajaynayaa”.