“Xukuumaddu Sidii Ay Awooda U Saartay Ceel-Afweyn, Shiidana  Awooda Ha U Saarto, Si Aanu Dhiig Dambe U Daadanin”Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac

0
169

 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay khilaafka soo cusboonaday ee ku waajahan Komishanka Doorashooyinka, waxaanu tilmaamay in khilaaf soo noqnoqdaa aanu faa’iido iyo midho dhal lahayn, ee loo baahan yahay isku tanaasul.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay inay awooda saarto inay nabad ka dhex dhaliso laba Beelood oo dagaalo soo noq-noqday ku chexmaray Deegaanka Shiidan, ee Gobolka Sanaag, waxaanu ugu horeyn yidhi “Komishanka Doorashooyinku waa todoba xubnood, oo sida uu Sharcigu dhigayo waxay kala kala yimaadan Guurtida, Madaxweynaha iyo Xisbiyada,sidaas darteed Komishankan cusubi sharciga ayey mareen, oo waa la dhaariyey, horena waxaa loo yidhi muslimaw run sheeg, muslimawna run uga qaado, qofka kasta oo muslim ah, masuuliyad baa saaran, oo Komishankan waa la dhaariyey, haddii qof ama laba qof laga cabanayo, waa shakhsiyaad, oo wey dhaarsan yihiin, qof dhaarsana waa qof xujaysan, oo haddii uu dhaarta weydaarto waa dambiile, sidaas darteed maaha in mar walba aynu muran ku jirno, ee aynu wax walba ka heshiino, oo aynu isku tanaasulno ayaa la inooga baahan yahay, 2004 Golahaygii hore ee Wakiilada markii aanu ahayn, ayaa ALLE ha u naxariiste Qaybe oo Guddoomiye noo ahaa, ayaa la is qabtay, Xildhibaano ayaa u tagay, isagoo Qaybe gar leh oo sharciga ku taagan ayaa lagu yidhi waad naga gar leedahay ee isku kaaya lagad oo tanaasul, markaas Madaxweyne Qaybe 2004 isagoo gar leh, oo sharciga ku taagan ayuu tanaasulay, ee adiguna adigoo sharciga ku taagan tanaasul, si khilaafkani inooga soo af jarmo”.

Mar uu ka hadlaayey Deegaanka Shiidan ayaa yidhi “Deegaanka Shiidan, labada Beelood ee wada dega iyagoon meel aan kala tagayn bay haddana marar badan is laayeen, iyagoo adduunyo yar isku lahaynaya, waxaana labada Beelood leeyahay dagaalku faa’iido idinma leh ee joojiya, oo nabada qaata, Xukuumaddu sidii ay awooda u saartay Ceel-afweyn, Shiidana  awooda ha u saarto, si aanu dhiig dambe u daadanin,waana nacasnimo iyo ayaan daro in kolba dagaal labadan Beelood ee walaalaha ah ee aan meelna kala tagayn uu dhexmara”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.