“Xukuumadda Waxaanu Ugu Nasteexaynaa Inay Albaabada U Furto Dadka”

0
820

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale

Hargeysa(Geeska)-Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan.

Sheekha ayaa ugu horayn wuxuu yidhi  “Xukuumadda waxaanu faraynaa, oo aanu ugu nasteexaynaa inay albaabada u furto dadka, oo wax ha maqasho, oo talo ha ka qaadato, maxaa yeelay taladu Xukuumadda ayey anfacaysaa, bishii ramadaan ayaa inagu soo dhaw, ilaa saddex todobaad baa ka hadhay, dadka masaakiinta ah ha laga war hayo, dadka dhibirka ah ha laga war hayo, dadka ducafada ah ha laga war hayo, ILLAAHAY dadka ducafada ah ayuu wax inagu siinayaa, haddii dadka ducafada ah la dacayo ILLAAHAY waxba ina siin maayo, Lacagta la ururinayo, ha la soo saaro, oo dadka masaakiinta ah ee Xaafadaha iyo Gobolada ha lala doonto, haddii wanaaga, nasteexada iyo wanaada la qaadan waayo, dhib mooye, dheefi kama soo baxdo, anagu mucaaradna ma nihin, muxaafidna ma nihin, ee umadda ayaanu u hadlaynaa, oo dantooda ayaanu ka hadlaynaa, anigu masaakiinta war baan u hayaa, waan u shaqeeya kuwooda indhaha la’a, kuwooda dhegaha la’a, kuwooda dhibirka wax ka qaba, mashruucii miskiin kal-kaal ee hore loo furayna, meel uu ku dambeeyey ma naqaana, ee waxaanu leenahay masaakiinta ha loo soo jeesto, oo wax ha la taro, umaddana waxaan leeyahay is wada saamaxa, oo caloosha iyo qalbiga wixii xun ee aad iskugu haysaan iska saamaxa, Xukuumadda waxaan leeyahay amaano ayaad haysaa, amaanadaas aad haysaan, umadda si cadaalad leh u gaadhsiiya, xisaabti ALLENA wey dambaysaa, qof kastana calamka uu ifka uu kala tagay ayuu akhirana la tagayaa, ee Masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumadda waxaan leeyahay masuuliyada aad umadda u haysaan si daacadnimo ku dheehan tahay ugu soo baxa, oo daacadnimo ugu shaqeeya, oo dadkaas baahan ee abaarto hayso si cadaalad ah waxay u baahan yihiin ula gaadha”.

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale ayaa dhanka kale wuxuu Xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabato maceeshada qaaliga ah, waxaanu talooyin kala duwan u soo jeediyey guud ahaan Shacabka Somaliland oo uu kula taliyey inay ilaaliyaan dhaqanka suuban ee diinta islaamka, kana dheeradan wax kasta oo diinta lid ku ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here