Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Dalka GAAJO Ka Jirin, Xilli Nolosha Bulshadu Sii Adkaanayso

0
1093

Xukuumaddu Waxay sheegtay in shaqo La’aantu tahay Mushkiladda ugu weyn ee Somaliland ka jirta, taana xal u raadinayso

 

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in aanay dalka ka jirin wax Gaajo ah, balse Mushkiladda ugu weyni tahay Shaqo la’aanta.

Xukuumaddu waxay sheegtay, maaddaama oo Somaliland tahay dal nabad ah oo aanay dagaalo ka jirin, Masuuliyadda ugu weyn ee saarani tahay inay Xal u hesho Shaqo la’aanta dalka ka jirta.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Mustafe Maxamuud Cali (Godane) oo shalay xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyey, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Somaliland waa dal Nabad ah, dagaalo kama jiraan, Gaajo kama jirto, dhibaatada keliya ee ka jirtaa waa shaqo la’aan, Xalkeedii waxa laga rabaa Cidda Wasaaraddan hoggaaminaysa, shaqo oo dhami waxay ku soo dhamaadaan Arrimaha Bulshada..”

Inkasta oo uu Wasiirka cusub ee Wasaaradda shaqo-gelintu sheegay in aanay xilligan Somaliland ka jirin Gaajo, haddana waxa Bulshadu wajahaysaa Xaalad nololeed oo adag, kuwaasi oo ka dhashay shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, Sicir-bararka Maceeshadda Quutal-daruuriga ah iyo arrimo kale oo uu ka mid yahay Xanuunka Covid_19 oo dhaqaalaha Somaliland dhaawac ka soo gaadhay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office