Xukuumadda Somaliland Oo Shalay Dejisay Hubka Saaran Markabka Shaakir Ee La Qabtay

0
515

doonHargeysa(Geeska):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa daboolka ka qaaday in hubkii saarna markabkii Mv-Shakir ee dhawaan lagu qabtay Barbera ay ka dajiyeen, waxaana uu tilmaamay in iyaga oo dhawraya cunaqabataynta dhinaca hubka ah ee saaran geeska Afrika, awgeed ay hubkaasi ka soo dajiyeen markabkii uu saarna, waxaana uu carabka ku dhuftay in markabkii hubkaasi sharci darrada ah sidayna la ganaaxi doono.

Md:Cali Maxamed Waran-cadde,ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Barbera, waxaana uu ugu horeyn xaqiijiyey hubka ay Markabka ka dajiyeen."Markabkii Mv-Shakir ee hubka siday, waxaa aanu go'aan ku gaadhnay in aanu hubka ka dajino, waxaana aanu ka dajinay xalayto, hubkaasina waxaa uu ahaa hub aanu garan waynay cid leh, iyo meel uu u socdo midna inkasta oo hada ay jiraan dawlado ka soo hadlayaa in ay jiraan sida dawlada Soodaan oo kale oo ay nagala soo xidhiidhay. Madaama aynu nahay dal, inkasta oo aan si caalami ah aan lay noo ictiraafin hadana waxaa aynu nahay dal isagu is ictiraafnay, caalamkana ka mid ah, caalamkana ka mid ah meel muhiim ahna kaga yaala qaarada Afrika iyo geeska Afrikaba. Sida awgeed nidaamka caalamka iyo Qaramada midoobayba nidaamka ay ku shaqeeyaan maadaama ay saaran tahay cuna qabataynta dhinaca hubku geeska Afrika, arrinta awgeed waanu qabanay hubkaas waana aanu dajinay, waxaana uu ku jiraa gacan aamin ah, haddii Eebe idmo dawladahaa soo hadlayna waanu ka wada hadli doona, waana aanu baadhaynaa illaa hada. Markabka laftiisa waa la ganaaxayaa waana la sii dayn doona maadaama uu yahay Markab caadi ah oo ganacsi ah, oo ka mid ah Maraakiibta dakada Barbera isticmaala."Ayuu yidhi Md:Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sida oo kale jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay wasiirka amniga maamul gobaleedka dawlada Puntland, waxaana uu sheegay in wiiqayo xidhiidhkii dhinaca amaanka ee ka dhaxeeyey dawlada Somaliland iyo maamul gobaleedka Puntland. “Waxaan jeclahay in aan halkan kaga hadlo,nin maalin dhawayd aan ka maqlaayey oo sheegtay in uu yahay wasiirka Amniga Puntland oo arrin aanu la yaabnay runtii ka hadlay, maamul gobaleedka Punland ee aanu jaarka nahay runtii waa dad aanu walaalo nahay ehel nahay,jaar nahay, xuduudna aanu leenahay in badan waxaa aanu ka shaqaynay in aanu Puntland cilaaqaad wanaagsan iyo nabad galyo xuduudkayaga iyo sidaan aan iskaga kaashan lahayn, dambiyada xuduudaha ka talaaba, maadaama oo ay Somaliya ka yihiin gobalka kaliya ee aanu xuduud kala leenahay, meel wanaagsan ayey wax noo marayeen si wanaagsana waanu u wada shaqaynaynay laakiin ninkaa darooto ka hadlay waxaa uu waxyeelo wayn uu ku yahay wada hadalkii iyo wanaagii naga dhaxeeyey anaga iyo Puntland, waxaana uu u eeg yahay xataa nin aan ka war hayn xataa siyaasada dawladiisa ama maamulkiisa, waxaana uu u muujiyey umadda reer Somaliland cadaawad xun oo aad u fool xun oo waxyeeli karta cilaaqaadka labada dal, waxaa uu ka been sheegay hubkan iyo sida uu u yahay, hubka markii la qabtay caalamka ayaanu u sheegnay, Qaramada midoobay ayaanu u sheegnay, qolada xafidaada hubka ayaanu u sheegnay in hubkaasi uu yahay hub aanu qabanay, dekadana aanu ku qabanay. Marka nin isagu wax wata ee isagu hub uu leeyahya la soo daga dee iskuma qayliyo oo caalamka uma sheego, arrintaana waxaanu u arragnay arrin cadaad wad ah oo sida uu bulshooyinka Sool iyo Sanaag-ba uu ku sheegay in ay yihiin dad argagaxiso ah, taas oo ah mid meel ka dhaca, guud ahaanba Somaliland gaar ahaana gobalada Sool iyo Sanaag, iyo waliba in uu waxyeelaynayo xidhiidhka wanaagsan ee naga dhaxeeya anaga iyo maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland taana waxaanu jawaab cad ka sugaynaa dawlada Puntland"Ayuu yidhi Waran-cadde.