Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Abaaro Baahsan Oo Dalka Ka Jirta

41
3309

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in abaar baahsan ay ka jirto deegaanada Somaliland.

Gudoomiyaha hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay ayaa ku dhawaaqay abaartan ku habsatay degaanada Soomaaliland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 1,755000 qof ay saamaysay abaartu imika ka jirta Somaliland.

Gudoomiyaha hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa intaa ku daray in abaartan goobaha ay inta badan saamaysay ay tahay dhulka Xeebaha.”Waxaa aan haddii aan nahay hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka aan si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa in dalka Soomaaliland ay abaar baahsan ka jirto, waxa ay abaartaasi dhamaan saamaysay gobolada Soomaaliland” ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh.

Gudoomiyaha hay’adda u diyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa xusay in abaartani ay saamaysay 47% dadka ku nool Somaliland.

Faysal, ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka ,ganacsatada iyo xukuumadda Somaaliland in dadka ay abaarta saamaysay gargaar lala gaadho.

Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiyaha in ay jiraan dad badan oo ku barakacay gudaha degaanada Somaliland, kuwaasi oo qaarkood soo barakicisay abaartii hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here