Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay In Kharashaadkii Dawladda 40% La Dhimay

0
945

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa daboolka ka qaaday in la dhimay kharashaadkii dawlada 60% isla markaasna sare loo qaaday horumarinta.

Wasiirka ayaa sida oo kale sheegay barnaamij cusub oo baanka aduunku uu ka caawiyay oo ay ku samayn doonaan dakhli ururinta,waxaana isaga oo warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa uu wasiirku yidhi  “Miisaaniyadihii hore ee aynu samayn jirnay inta badan waxay ku bixi jireen hawl socod siinta maamulka dawladnimo 94% ayay miisaaniyadii hore ka ahaan jireen, miisaaniyadan waxaanu doonaynaa inaanu kharashka dhino oo aanu ku badalno horumar, oo ugu yaraan aanu 60% ilaa 55 %  ku soo celino socod siinta maamulka dawladnimo,miisaaniyadan waxaanu doonaynaa inaan adeegsano oo diyaarna noo ah barnaamij casri ah oo baanka aduunku uu inaga caawiyay oo Somaliland ay hadda hirgalinayso, kaas oo inaga caawinaaya in nidaamkeenu uu noqdo nidaam daah furan isla markaasna leh la xisaabtan furan, waxaanu aad u dardar galinay barnaamijkii hore u socday ee dib u habaynta nidaamka maaliyada.”

wasiirka oo ka hadlaayay miisaaniyada sanadkan waxa uu yidhi”miisaaniyadii hore ee 2017-ku horta may soo wada bixin, waxaana lagu jiray hoos u dhac dhan 16%  hoos u dhacaasina waxa uu u soo wareegayaa sanadkan oo qaranka ayay deyn ku tahay, hasa yeeshee dardar galinta aanu hadda samaynayo miisaaniyadani tii hore waa ay ka badanaysaa laakiin farqi weyni uma dhaxaynaayo, maadaama oo uu tii hore hoos u dhac ku yimi.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here