“Saxeexaygii Ayaa la Foojari Gareeyay”

32
3534

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale ayaa sheegay in la faajariyeeyay saxeexiisa iyo shaanbadda xafiiskiisa isla markaasna lagu bixiyay dhul ka tirsan magaalada Hargeysa.

waxa uu xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa sheegay, in uu hay’adaha baadhitaanka ee dawlada u gudbiyay in awoodiisa loo gacan dhafay, isaga oo dhinaca kalana duray waqtiga ay wasaaradda arrimaha guduhu siiso xoghayeyaasha ay u soo magacowdo dawladda hoose, oo uu sheego in muddo gaaban lagu bed-beddelo.

Waxaanu sidan ku sheegay mar uu xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta. Xoghayaha oo kor u haya dhukumanti uu kamaradaha warbaahinta tusayo ayaa yidhi, “Kaasi waa mulkiyad guri aniga oo halkaas magacaygii ku yaalo oo Cali Xasan Cawaale ah, ayaa halkii xoghayaha dawlada hoose lagu bixiyay saxeex kale iyo shaanbad kale oo aanan lahayn oo foojari ah, iyada oo layga dhigayo inaan saxeexay” Xoghayaha oo ku soo halqabsanaya xildhibaan isaga hore u dhalleeceeyey ayaa intaas ku sii daray, “Xafiiskeenna ayaa ay ka jirtaa oo waa hantidii aad u xilsaarnayd ee xildhibaan maxaad uga hadli wayday,”

Xoghaye Cali Xasan oo weli hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Ma taas ayaa ynu ka aamusnaa sharcigu inuu sareeyaa, waa tii aynu xukuumada u dooranay ee ay ku shaqaynaysay iyo in la’la dagaalamo waxii musuqmaasuqa. Musuqmaasuqu maaha lacag la xado uun, waa maamul xumo iyo ku tagrifal awoodeed oo aanu qofku lahayn, tan ayaa ka mid ah, baadhitaan ayaa ay arintani ku jirtaa dhamaan hay’adihii ku shaqada lahaana waan u diray.”

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”dawlada hoose ee Hargeysa waxa iska badalay lix xoghaye golaha deegaanka ee aad ka tirsantahayna waa shan sano bal u qaybi xoghayihiiba intuu joogay ayaad u malaynaysaa, maxaad xildhibaan taas u sheegi wayday nin la doortay oo kitaab maray ayaad tahaye.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here