Xukuumadda Somaliland Oo Heshiis La Saxeexatay Shirkad Maraykan Ah Oo Fagaarayaasha Dunida Uga Dooda Aqoonsiga Iyo Lacagta Bil Kasta Lagula Heshiiyay

1
639

 

Picture5Washington (Geeska/Politico)-Xukuumada Somaliland ayaa la xaqiijiyey inay heshiis u-ololeyn qadiyadda madaxbanaanida ah la saxeexatay shirkad ka dhisan Maraykanka, sida warqadaha heshiiskaa oo lagu xareeyey wasaarada Cadaalada Maraykanku tilmaamayaan.

Sida wargeyska Politico daabacay, Wasaaradda madaxtooyada Somaliland ayaa la saxeexatay shirkadda Glover Park Group, heshiiskan, waxaana la aaminsanyahay inuu saxeexay wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Shirkada Glover Park Group, ayaa lagu sheegay qoraalka inay uga shaqeyn doonto Somaliland xidhiidhada aduunka iyagoo metelaya xukuumada Somaliland, uguna horeyso ololaha ay ugu jirto sidii ay aqoonsi caalami ah uga heli lahayd aduunka.

Xukuumada Somaliland ayaa sida uu heshiiskaasi dhigayo shirkaddan siin doonta dhaqaale gaadhaya 22, 500 dollar bishii (laba iyo labaatan kun iyo shan boqol oo Dollar bishii). Wasiirka madaxtooyada oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino faahfaahinta heshiiskan ayaanay noo suurtogelin. Sidoo kalena shirkadda Glover Park Group, oo aanu iyadana la xidhiidhnay ayaanaan ka helin wax jawaab ah.

Glover Park Group ayaa ka mid ah shirkadaha la-taliyenimada ugu firfircoon Maraykanka, kana hawlgalaan 150 hawlwadeeno, xarunteeduna tahay Washington.

Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, ayaa hore qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ugu qabtay qareeno caalami ah oo u dhashay wadanka Ingiriiska, laakiin wax war ah lagama hayo halka ay ku dambeeyeen.

Shirkaddan ayaa la eegi doonaa sida ay u waajahdo hawshan iyo sida ay u fuliso heshiiskaas. Dadka qaar ayaa ku doodaya in lacagta ay Somaliland shirkadan kula heshiisay uu aad u hooseeyo, marka loo eego fagaarayaasha caalamka inaad ku hesho kooxo ololeeya iyo shirkadahan oo kale oo ku shaqeeya adduun gaadhaya ilaa $90 kun oo dollar bishii. Laakiin muddooyinka soo socda ayaa la arki doonaa faa’iidada Somaliland uga soo korodha heshiiskan.

Comments are closed.