“Xukuumadda Siilaanyo Waxaynu Ka Dhaxalnay Qabyaalad, Sicir Barar iyo Ku Takrifalka Hantida Umadda”

0
921

Xildhibaan Maxamed Salaax Maxamed Cige

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Salaax Maxamed Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Xukuumadda Axmed Siillaanyo ee muddo xilkeedkeedu dhammaaday, in dalka u horseeday qabyaalad, kala qaybinta shacabka, sicir barar, dib u dhaca Doorashooyinka  iyo ku takrifalka  hantida umadda.

Xildhibaan Maxamed Salaax Maxamed Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha la doortay, waxaanu ugu horeyn yidhi “Todobadii sanno ee ugu dambeeyey, dalka waxa ka jiray dhibaatooyin aad u badan, oo ay ka mid yihiin qabyaalad, sicir barar,ku takrifalka hantida umadda iyo sharci jabin,Xukuumadda Siillaanayo ugu horeyn iyada ayaa sabab u ah sicir bararkaas dalka maanta ka jira, oo shaqadii Baanka dhexe ayey meesha ka saartay,  lacago aad u badana wey soo daabacatay, in shilinkeenu qiimo beelo, oo lacagta doolarkuna qaali noqoto iyada ayaa sabab ah, waxa kale oo xaqiiqo ah in hantida umadda ee qaranku leeyahay, in sida la doono loo musuqayey, sidaas oo ay tahay Xukuumadda Siillaanyana waxaynu ka dhaxalnay qabyaalad, sicir barar, ku takrifalka hantida umadda iyo Wasaaraddihii ugu tirada badnaa”.

Xildhibaan Maxamed Salaax isagoo ka hadlaya Madaxweynaha la doortay iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono ayaa yidhi “Madaxweyne Muuse Biixi waxaan kula talinayaa inuu aad uga feejignaado khaladaadkii Xukuumaddii Siillaanyo ay ku kacday, dabcana waa Madaxweyne sir leh, oo ilaa hadda cida uu magacaabayo lama garan karo, oo runtii in Madaxweynaha in sirdiisa lagaga sheekayo suuqada maaha,ta kale waxa xaqiiqo ah in haddii uu maanta dhiso Xukuumad kooban inuu ka badani doono, oo waa dhaqanka Xukuumaddaha, balse haddii uu ku dadaalo inuu saxo wax kasta oo qaranka ka khaldamay, in umaddu jeclaan doonto, waxa xaqiiqo ah in haddii uu Doorashooyinka wakhtigooda ku qabto in umaddu jeclaan doonto, markaas ha ku dadaalo inuu iska ilaaliyo khaladaadkii ay Xukuumadda ka horeeysay ay sameeysay, oo hantida umadda ha ilaaliyo, hana magacaabo masuuliyiin hantida umadda ilaaliya”.

Xildhibaan Maxamed Salaax mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiilada iyo Miisaaniyadda ayaa yidhi “Xukuumaddan wakhtigeedu dhammaaday, waxay ahayd in mar horeba ay Miisaaniyadda soo gudbiso, laakiin imika ma soo gudbin karto, ee Xukuumadda dambe ayey Miisaniyadda dhamaystirkeedu u yaala, laakiin in Golahaygu maanta ansixiyo xisaab xidhkii 2014 iyo 2015, oo ilaa hadda qaar lala maqan yahay, waxay muujinaysaa tabar darada Xukuumaddan wakhtigeedu dhammaaday.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here