Xukuumadda Oo Xidhay Wasiir-ku-xigeenkii Hore Ee Amniga

0
747

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiir-xigeenkii hore ee amniga Cabdillaahi Abokor, oo ay ciidamada Boolisku habeen hore ka qabteen gurigiisa Hargeysa, ayay xukuumadu sheegtay in gurigiisa laga soo qabtay hub,  waxaanay xukuumadda Somaliland sheegtay inuu ku lug lahaa falal amni darro ah.

Ciidamada Booliska ayaa habeen hore abaaro 2:00 weeraray guriga wasiir ku xigeenkii hore ee amniga, waxaana rasaas tiro badan ka dib oo ay isweydaarsadeen ciidamada Booliska iyo ilaalo difaacaysay wasiir-xigeenka hore ay Boolisku qabteen Cabdillaahi Abokor. Xaaska Cabdillaahi Abokor, oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay inay ciidamada Boolisku rasaas khalkhal gelisay qoyska iyo carruurta ay u adeegsadeen, iyadoo soo bandhigay qasharada rasaast ay sheegtay inay yihiin kuwii ay Boolisku ridayeen, waxaanay xustay in qaar ka mid ah carruurtooda ay ciidamada Boolisku qori dabadii la dhaceen. Waxa  halkaas ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladii Cabdillaaho Abokor. Wasiirka arrimaha gudaha Md. Cali Warancade, oo shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, jimcihii shalay, ayaa wasiIr ku xigeenkii hore ee amniga ku eedeeyay inuu hub haystay, waxaanu sheegay inay ku soo qabteen Gurrigiisa Hub iskugu jira Bikemayo, AK-47 iyo Bastoolado.  “Anoo aad iyo aad uga xun wasiir ku xigeenkaygii hore ee amniga oo runtii aan muddo wada shaqaynay oo aan la yaabay sida ay wax uga dhaceen oo runtii ku kacay arrimo khalkhal gelin kara nabadgelyada iyo sumcada qaranka Somaliland inuu hadalo tashwiish iyo sucmad xumo gelin kara guud ahaan qaranka inay ka dhacday, sidaas awgeed la damcay in wax lga weydiiyo waxaas uu baahiyay ee uu caalamka u sheegay hase yeshee uu diiday, markii la is yidhi wax ka qorana uu kala  horyimid iska caabin hubaysan.” Sidaas ayuu yidhi wasiir Warancade. Waxaanu intaas raaciyay in Wasiir-kuxigeenkii  Amniga Cabdilaahi Abokor ay ku soo qabteen Gurrigiisa Hub iskuGA jira Bikemayo, AK-47 iyo Bastoolado, isagoo Warancade xusay  in markii ciidanka boolisku gurriga ay tageen ay iska caaabin ay la kulmeen oo Naftii Booliska la halis galiyey.Wasiir Warancade, waxa kale oo uu sheegay inay ciicdamada xidheen dad uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxyo cabsi gelin ah oo labadii habeen ee u dambeeyay ka dhacayay magaalada Hargeysa, kuwaas oo aan wax khasaare ah gaysanin. Waxaanu sheega inay arrimahani la xidhiidhaan khilaafka ka dhex jira xisbiga xukuumiga ah ee KULMIYE.