Xukuumadda Oo Soo Bandhigtay Shirkadda Dalka Keentay Shidaalka Wasakhaysan Iyo shirkadda Red Sea oo ku gacan saydhay

51
3608

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Sacad Saajin, ayaa ganaax lacageed dul dhigay shirkada Red Sea oo shidaal wasakhaysan dalka keentay iyo shaybaadhkii haamaha shidaalka ee Berbera oo uu ku tilmaamay mid hawshiisii ilaalinta tayada shidaalka ee dalka aan gudan.

Waxa uu wasiirku sheegay inay baadhitaan kadib ay soo ogaadeen in shirkadan Red Sea  ay dalka keentay shidaalka wasakhaysan ee dhibaatada xooga ah gaadhsiiyay gaadiid tiro badan oo reer Somaliland ah.  Sida oo kale waxa uu wasiirka ganacsigu uu u digay dhamaan shirkadaa dalka keena waxyaabaha dhacay iyo kuwa tayada hooseeya,waxa uu wasiirka ganacsigu isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi “Kadib markii aanu baadhitaan siyaado ah samaynay waxa aanu xogtii ogaanay in shirkada Red Sea iyo shaybaadhka Berbera ay leeyihiin ay leeyihiin masuuliyada sababtay, in shidaalkaas la soo iibiyo oo ay masuuliyada Red Sea lahayd  iyaga oo ogaa inuu yahay shidaal ogsajiinaysan iyo shaybaadhkii oo isaguna masuuliyadii looga baahanaa aan qaban oo siiyay ogolaansho in shidaalkaas lagu shubo haamaha sidaas daraadeed labadaba waxa la takhsiiray takhsiir is leeg oo midkiiba ah $355,500 Doolar, waxaanan farayaa in ay arintaas si degdeg ah u fuliyaan kuna shubaan lacagtaas wasaarada maaliyada, wasaarada maaliyaduna waa inay arintaas daba gashaa.”

Isagoo wasiirku hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Dad weynaha wax soo galiya dalka ama dawo ha noqoto ama cunto waxaan kula talinayaa inay ka digtoonaadaan iyaga oo u danaynaaya dadka  iyada oo si deg deg ahna aanu ka tabaabushaysanayno oo ganaaxaas ku dhacay uu ku dhici doono cidii kale ee ku dhaqaaqdana, si deg deg ahna shaybaadhadii meelahaas wax laga soo dajinaayo la dhigi lahaa waa laga diyaar garoobayaa.”

Jawaabta Shirkadda Red Sea

Guddoomiyaha shirkada Red Sea Sheekh Xasan Cabdisalaan ayaa daboolka ka qaaday in shidaalka ay dalka keeneen oo ogsajiintu ku badnayd aanay filayn inay dhibaato gaadiika dalka u keeni karaan, waxaanu xusay inay sharciga la mari doonaan ganaaxa xukuumada oo ay ku tilmaameen mid aan sharciga cuskanayn, waxaanu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, “Anagu Shirkad ahaan hadaanu nahay Red Sea anaga oo diyaar u ah waxii masuuliyada na saarani ay keensanayso sax iyo qaladba inaanu qaadano waxaan u sheegayaa umada Somaliland meel ay joogtaba 21 sanadood ayaanu shaqadan shidaalka ku jirnay waa markii ugu horaysay ee taariikhdaas dheer cabasho ama dhaliil naloo soo jeediyo, taariikhdaas dheeri waxay ka markhaati furaysaa hab dhaqankayaga ganacsi oo ku dhisnaa in waxaanu ku kalsoonahay aanu keeno, anaga dhaqankayaga maaha inaanu umadayada wax xun u keeno si aanu wax uga faa’iidno.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii ayaa yidhi, “arrinta maanta dhacday ee ah shidaalkaas ay cabsahadu ka timi, waa shidaal ogsajiinaytig ah oo hawada ogsajiinta ayaa ku badan, in shidaalka hawada ogsajiinta lagu badiyana dan ayaa keenta si deegaanka loogu badbaadiyo, hadyanu sida kale u dhigno waxa dalka soo galay shidaal gaadiidkii dalka soconaayay qaar ka mid ah inaga dhibaateeyay, aadna waanu uga xunahay, dadka dhibaato ayaa ka soo gaadhay. Shidaalka Cumaan ayaanu ka soo rarnay, shahaadadiisiina waa taas waxaanu cadaynayaa waxa uu yahay iyo waxa uu ka kooban yahay, laabka ayaanu u soo gudbinay waanu baadhay isaguna cadayntan ayuu na siiyay, oo waxa uu sheegay in uu waafaqsan yahay shuruudii shidaalka looga baahnaa oo uu dagi karo, hadii aan naloo ogolaan inaanu shidalka dajino ma dajin karno, hadii nalagu yidhaahdo celiya waanu celinaa, waanay dhacday anaga iyo shirkadaha kaleba waa ay dhacday. waa run shidaalka in ogsajiintu ku badantahay waanu ogayn maanuna qarin, shahaadada la soo raaciyayna waa ay ku qoran tahay, haday caynkaas tahay maxuu u shubmay shidalakaasi, shuruuda u yaala shidaalka Berbera laga ogol yahay ogsajiinku kumuu jirin markaynu hor ilaahay u hadlayno, markii aanu keenay inuu dhibtan keensanaayo kumaanu talo galin oo maanu ogayn, ka soo qaad inaanu anagu keenay shidaal dhibaato keensan kara, laakiin waxa is waydiin leh yaa xaq u lahaa inuu qabto,anaga tasi shaqadayada may ahayn, shaqadaana waxa lahaa laabka,waxa uu sheegayna in shuruudii laga ogolaa shidaalka Berbera imanayaa inuu wanaagsan yahay.”

ugu danbayntii Sheekh Xasan Cabdisalaan waxa uu sheegay in aan ganaaxu ahayn mid sharci ah “ganaaxa nala ganaaxay waxaan u arkaa inuu daw daro yahay, laba arimood labadaba, hadii ay tahay shuruudii Berbera ayuu waafaqsan yahay waa uu waafaqsan yahay, hadii ay tahay ogsajiinaatig ayaad ku soo iibsatayna mabaan qarin, maxaad u joojin waydeen ee aad u dajisateen ee cirka la tag aad iigu odhan waydeen. ganaaxa naga dood nalagama qaadin, maxkamadi naguma xukumin, ismaanu difaacin,waxaan maqalaayay gudida tayada ayuu xeer u yaalaa, xeer wax nalooga sheegay maaha, waxaanu filaynay in sharciga la waafajiyo hasa yeeshee go’aan uun iska socda, waxa uu wasiirku yidhi waan ku ganaaxay maxuu u cuskaday maxuu ku dhisan yahay go’aankaasi, wax badan ayaa ganaaxa ka muuqda ugu yaraana waxa ka muuqda arxan daro iyo cadho gaamurtay oo hore, waxaanuna ka maraynaa sharciga, hadii sharcigu na qabad siiyo diyaar ayaanu u nahay hadii sharcigu na qabad siin waayna diyaar uma nihin”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here