Xukuumadda Oo Si Adag Uga Hadashay Tirakoobka Ay Somaliya Soo Bandhigtay

0
936

Picture2Hargeysa(Geeska):-Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga hadashay sahan ay dawlada Somaliya sheegatay in laga sameeyey tira-koobka dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Somaliya oo ay Somaliland ku jirto, waxaana ay sheegtay in ay aad uga xun yihiin in dawlad ay iska sheegato wax aanay iyadu lahayn.

Wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo xafiiskiisa shalay kula hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sheegay in tira-koobkani uu ahaa mid ay kala shaqeeyeen UNFPA, waxaana uu sheegay in uu yahay tira koob sax ah oo laga sameeye dhammaanba gobalada dalka isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in xog la baahiyey ay cid walba iska sheegan karto balse aanay ahayn xogtaasi sida ay u sheegtay dawlada Somaliya.

"Horta innaga Somaliland ayaa la inna yidhaahdaa, Soomaaliyana kama mid nihin, qofku waxa uu doono waa uu sheegan karaa laakiin dee xaqiiqdu waxa weeye Laba wadan oo kala jaad ah ayaa aynu nahay oo jaar ah.Hay'adan la yidhaahdo UNFPA ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, waanu kala shaqeynay sidii loo samayn lahaa tira kooba mala awaal oo dadkeena ah, mashruuca aanu kala shaqaynayna waxaa uu ku koobnaa uun oo qudha waa Somaliland, Soomaaliya qeyb kamay ahayn, waxaa jirtay mashruuc kaas oo kale ah in ay kala wadeen Soomaaliya iyo Puntland, laakiin waa ay ka dunaayeen keena, annaga warbixinta ay nasiiyeen waa mid innagu kooban innaga oo kaliya, marka horta sidaas ayaa aynu u kala jaad nahay oo wax la isku qaldo maaha."Ayuu yidhi Dr.Sacad Cali Shire. Dr.Sacad Cali Shire oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:"Ta xaga warbixinta ay soo saartay hay'addu ee ay u gudbisay dawlada Soomaaliya oo iyaguna gobalo innaga mid ah ay tirakoobkooda ku darsadeen, hay'adu xaq ayaa ay u leedahay dee in ay daabacdo hawshii ay inala qabatay iyo tii ay Soomaaliya la qabatayba oo waxuba waa wax meel walba yaala weeye, arrinkaasina maaha arrin ay fasax nooga qaateen amma ay nooga baahan yihiin oo waa ay soo qaadan karaan waxii tira koob ah se xaqiiqadu waxa weeye waxa ay kala ahaayeen Laba mashruuc oo kala duwan oo kala ah mid Somaliland ah iyo mid Somaliya, warbixinta ay na siiyeena ka Somaliland oo qudha ayaa uu ku kooban yahay kaas ayaana aanu ka wada hawl galnay iskuna ognahay.".

Ugu danbeyntiina Dr.Sacad Cali Shire, waxaa uu sheegay in aanay dawlada Somaliya inta shaqaalaheedu ay dalka yimaadeen aan la samayn wax tira koob ah oo khuseeya dadka reer Somaliland balse uu ahaa mid ay Somaliland si gaar ah ay iyadu u samaysay.

"Tira-koobkan ama sahankan markii la samaynaayey gobalada Somaliland oo dhan Somaliland ayaa samaysay, gobal kaliya oo Somaliland ay leedahay oo reer Somaliya inta ay yimaadeen ay shaqaalaheedu Somaliland ka sameeyeen ma jirin, marka tira koobka innaga ayaa samaysanay, gobaladeena oo dhana waa uu ku dhammaa, kaasi isagu shaki ma laha, waxii ka soo baxaana wax innaga inna khuseeya weeyaan, cidii sheeganaysaa iyada ayey jirtaa laakiin xaqiiqdu waxa weeyaan wadankeena cid kale ma sheegan karto oo aan innaga ahayn.".Ayuu yidhi Dr.Sacad Cali Shire.