Xukuumadda Oo Qabatay Daawo Macmal Ah Oo Ay Ganacsatada Daawooyinku Madaarka Cigaal Ka Soo Dejisay

0
1096

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha haayada ilaalinta tayada Somaliland Muuse Xasan ayaa soo bandhigay Daawo macmal ah oo lagu qabtay madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Daawada la qabtay ahaa ah galka daawada Kabsool (Capsule) oo madhan, kaas oo la aaminsanyahay in lagu gurayay waxyaabo kale si shacabka loogaga iibiyo daawo Kaabsool ahaan.

Waxa uu guddoomiyahu sheegay in la doonayay in galka Kaabsoosha daawooyin lagu cabeeyo dalka gudihiisa ama iyada oo madhan la iibiyo, waxaanu digniin u diray ganacsatada dalka daawooyinka keenta, sida oo kale.

Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiyaha haayada dhawrista tayadu shir jaraaid oo uu ku qabtay xafiiskiisa isaga oo gacanta ku haya kaabsooshaas madhan ee shakiga badan abuurtay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Waxa Khamiistii madaarka ka yimid oo aan xafiiskayga ku aragnay saddex kartoon oo laba ay saliidi ku jirtay iyo hal kartoon oo kaabsool uu ku jiray, kabsoolkan waad aragtaan oo wax qoraal ah kuma qorna, kaabsolkan markaanu eegnay wax daawo ah kuma jiraan ee waa mid madhan, waxaana loogu talo galay in daawo ay ku jirto waanu is waydiinay oo baadhis ayaanu samaynay, laba mid ayay noqonaysaa in daawo lagu shubaayay dalka gudihiisa oo dadka laga iibinaayay iyo in sidiisaas lagu iibinaayay,labada siyaaboodba caafimaadka khatar ayay ku tahay, waxaanu digniin u diraynaa ganacsatada daawada, anaga oo la kulanay dhamaadka bishii hore warqadana aan xafiiskayaga maanta ka soo saaray oo nuxurkoodu yahay ee ah joojinta wax alle iyo wax daawada ah ee dalka soo galaaya ee aan haysan waraaqii sharciga ahaa,shahaadadaas oo ah ta cadaynaysa asalka dalka ay ka timi iyo wax muujinaaya waxa meesha ku jira.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here