“Beeshani [Garxajis] Wax Ma Tabato Ee Way Talisaa, Beeshani Ma Cabatee Way Dulqaadataa”

0
1489

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa hadhimo sharafeed ka qabsoontay xarunta madaxtooyada ku maamuusay qaybo ka mid ah shacabka Beelaha Garxajis.

Khudbad uu madaxweynuhu halkaas ka jeediyay wuxuu beesha ku amaanay kaalinta ay ku lahaayeen Somaliland iyo sida ay ugu dulqaateen doorashadii ugu danbaysay xanaftii ka dhalatay.

Madaxweyne Biixi ayaa yidhi “Halkan waxaanu isugu kiin yeedhnay inaanu idiinka mahad naqno xukuumad ahaan, madaxweyne ahaan iyo waliba qaranka Somaliland intiisa badan 99% inta Somaliland jecel, inta qaranimada jecel, inta nabada jecel, inta horumarka wada waxaanu idiinka mahad naqaynaa hawlaha qaranka iyo gurmadka qaranka iyo difaaca qaranka halkaad kaga jirtaan deegaan ahaan, gobalada halkaad ka joogtaan iyo halkaad ka degantihiin waa mudnaanta kaalinta aad ku leedihiin dalka, ka soo bilow halgankii ilaa maalintii isticmaarka maalintay Somaliland gurmadka u baahatoba kaalintaad kaga jirtaan, mid ciidan mid talo mid aduunba.”

Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa taas sii dheer oo aanu maanta idiinku yeedhnay sanadkii ugu danbeeyay xanaftii doorashadu inagaga tagtay sidii loo damin lahaa iyo sidii dadku isugu iman lahaayeen culayskii aad qaadeen ee idiin gaarka ahaa ee aad ka midho dhaliseen dadkiina ku midayseen cadawgana kaga nixiseen, Somalilandna kaalintay idinka fulaysay aad soo dhigteen, waxaanu maanta idiinku yeedhnay sanad dhaw dhow inta Somaliland neceb iyo cadawga Somaliland wax ay daan gayin iyo wax aydaan ahayn iyo wax aan suurtoobayn ayaa aad loo faafiyay oo ah beeshani way dagaalamaysaa, Somaliland ayay duminaysaa dadka waxaas fidinaayay kuu yahayba waa mid aan beesha aqoon, erayga la yidhaahdo waxbay tabanayaan, beeshani wax ma tabato ee way talisaa, beeshani ma cabatee way dulqaadataa, beeshani macadhootee dadka ayay isku soo jeedaa, kaalintaas ayay Somaliland ku lahayd, markaad idinku cabataan kuwa kale maxaad u malaynaysaa, eryada waa la kala leeyahay, laakiin taariikhdii baa isbadashay oo waxaad arkaysaa nin weyn oo ciro badan oo tilifishanka fadhiya o magaca beesha sheeganaya oo erayo aanay gayinba ku hadlaaya, haday doonayso inay wax badasho ama saxdo talay ku saxdaa awoodeeda iyo miisaankeedna waa ay leedahay Somaliladna waa ay ka dhagaysataa tolkeedana waa uu ku ixtiraamaa.”

Sababta kulanka ayuu ka hadlay Madaxweynuhu, waxaanu yidhi “Maanta waxaanu idiinka mahadnaqaynaa gaar ahaan raga culayska gaarka ah uu ku dhacay ee u badan reer Sanaag, ee ay kow ka yihiin salaadiintu ee uu kow ka yahay Maxamed Xirsi Qani, ee lixdii biloowd ee ugu danbeeyayba aan u malaynaayo in aanu gobal wada joogin waliba ay u dheerayd canaanta aan anigu ugu horeeyo iyo socodka la galinaayo ee aan caafimaadkiisa iyo dantiisa la eegayn ee xalay ka soo guday Ceel-afweyn si u madashan uga qaybgalo isaga oo maanta laga sugaayay inuu go’aan nabadeed gaadho oo uu yidhi ii hakiya iyo ina Maxamed Cabdiqaadir oo dirqi lagu soo qaaday oo yidhi isaga oo xanuunsanaaya jiifi maayo iyo odayaasha kale ee la midka ahna waxay muujinaysaa kaalinta ay Somaliland ku leeyihiin iyo qadarinta iyo Somaliland halkay u taagan tahay, markaas aad iyo aad ayaanu idiinku mahadnaqaynaa.”

Waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday madaxweyne Muuse “Fariinta aan halkan idiinku yeedhay ee aynu ku kala tagaynaa waxa weeye dalka sidii aad u ahaydeen ee alle wax ka dhigay ayaad u tihiin, dalkan Somaliland markuu u baahdo difaac xoogiisiibaad tihiin, markii talo u baahdana talo qabeenkiisii baad tihiin, markuu dulqaad u baahdana gogoshii lagu soconaayay ayaad u tihiin, marka wax la saxaayana talo ayaad ku saxdaan ee dudmo iyo cadho kuma laydinka filimaayo dadkuna sidaas ayuu idiin ogyahay aniguna sidaas ayaan idiin ogahay waxii qaladan talo ayaan ku sixi oo aynu ku wada sixi doonaa maantana umadda halkii aad u gasheen iyo warankii aad Somaliland ka goyseen waxii la fidinaayay iyo cadowga Somaliland meel uu joogaba jabkii ku dhacay tolkiina waa idiin ogyahay Somalilandna waa ay idiin ogtahay aniguna waan idiinka mahadnaqayaa. Waxaynu u baahanahay midnimo waxa aad gudaha tabanayso taasna dibada fiiri ayaynu kaga baxaynaa aad iyo aad ayaan idiinka mahadnaqayaa waxaanay muujinaysaa maanta qadadani kaalintii aad dalka ku lahaydeen oo laydiinka mahadnaqayo umadduna sidaas ayay idiinku mahadnaqayaa, ninkasta oo deegaankan ah oo tabanaaya in isha laga la’linaayo oo talo haya oo wanaag haya, madaxtooyadu waa madaxtooyadiisii nin waliba waa ku marti qaadan yahay nin walba waan ka ogolnahay, inta uu dumarka iyo ciyaalka ka nixinaayo ee uu erayo qalqalafsan oo afkii reerkanba ahayn uu ku hadlaayo talada halkan halayimaado albaabadu waa ay u furan yihiine.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here