Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland md. Maxamed Nuur Caraale, ayaa Madaxweynaha Somaliland hortiisa abaal marin ku guddoonsiiyay mid ka mid ah ciidamada Booliska Somaliland oo ku mutaystay shaqo uu keligii si mutadawacnimo ah u qabtay, waxaana shaadhka askarigaas uu wasiirku ku xidhay bilad sharaf.
Madaxweynaha Somaliland oo shalay ka qayb galay sannad guurada 19aad ee loo sameeyay aasaaska ciidanka Booliska, ayaa xafladii loo qabtay, wasiir Duur wuxuu ka sheegay in askartigaas oo uu magaciisu yahay Saleban Cabdillaahi Maxamuud uu mutaystay abaal marintaas. “ Mudane Madaxweyne Saleebaan waxa uu u dhashay Bariga Somaliland , waxa uu hadda ka hawgalaa Galbeedka Magaalada Saylac waa nin is diray , waxa uu dhisay guri laba makhsin ah oo ciidanka boolisku leeyahay iyo Barkad biyood , waxa uu kelidii dhisay wadada isku xidha dekked yar oo ciid ka samaysan oo badd sii dhexmarta , sarkaalkan waxa uu dhisay wadadaa . Mar uu baanka ka hawlgelayay waxa uu dhisay hortiisa oo dhan , waxa uu keenay Magaalada Jay malaha , waxa uu hindisay in uu dhulka hoostiisa qodo oo uu Jay ka soo saaro si wax loogu dhisto oo shaqo abuur loogu sameeyo, Waxa uu Saleebaan ka dhisay Kastamka laba kaabad oo gaadhiga joojinaya intaa aanu Kastamka dhaafin , markaan soo arkay Saleebaan aad baan ugu farxay nin keligii is diray oo wax abuuray weye” ayuu wasiirku.
Waxa kale oo uu wasiir Duur guddoonsiiyay Bushaq aan la sheegin waxa ku jira ,laakiin ka mid ahayd abaalmarinta uun. “ Waxa kale oo aan ku abaalmarimayaa Bushqadaas wixii Ilaahay ka siiyaa ay ugu jiraan “
Waa markii u horaysay ee askari Boolis ah lagu maamuuso abaalmarinta noocan oo kale ah, waxaana abaal marintaas ku farxay askarigaas oo ah nin dhallinyaro ah.
Comments are closed.