Xukuumadda Oo La Wareegtay Gurigii Khayriyada Hargeysa Ee Ay Xukuumadii Siilaanyo Kiraysay

0
390

Hargeysa(Geeska)- Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cabdirashiid Ducaale Qanbi ayaa sheegay inay xidheen hudheelka cuntada ee  Almis oo ku jiray goobtii ay ahayd khayriyadii hore ee magaalada Hargeysa., oo ay xukuumadii hore ku wareejisay maamulka huteelkan.

Waxa uu wasiirku sheegay in carwo qaranku uu leeyahay laga dhigaayo goobtaas isla markaasna hudheelkii ku jiray oo kiraystay laga saaray, waaxaanu sidan uu u sheegay wasiirku tilifishanka Eryal  waxaana isaga oo arimahan la hadlaayay uu yidhi“Hudheelku kiro ayuu ahaa waxa ay ahayd meeshu khayriyadii kiradaasna hore ayaa midhaa looga kireeyay, waxa dalka looga baahday in muusiyam looga sameeyo markaas meshaas qalabkeedii iyo dhismaheedii baryahanba waa la diyaarinaayay, markaa meesha muusiyeemkii qaranka ayaa laga dhigayaa  awalna kiray ahayd in badana ogaysiin ayaa la siiyay in uu ka baxo,muddo afar bilood ah ugu yaraan waanu wadnay.”

Hudheelkan oo ku yaalay badhtamaha magaalada Hargeysa ayaa la xidhay kadib markii sida uu wasiirku sheegay ay xukuumadu u baahatay goobta uu ku yaala oo hore dawladu ay u lahayd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.