Xukuumadda Oo Hay’adaha Qaramada Midoobay Iyo Kuwa Caalamiga Ah Ku Dhaliishay Inaanay Weli Ka Soo Jawaabin Baaqii Madaxweynaha Ee Abaaraha Dalka Ka Jira

0
3013

“Wax Allaale Iyo Wax Ay Hay’adaha Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysaa Ilaa Imika Ay Ka Qabteen Oo Gargaar Ahi Ma Jirto.”

sacadHargaysa( Geeska )- Wasiirka qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay  Dr.Sacad Cali Shire, ayaa ku dhaliilay hay’adaha  Qaramda Midoobay in aanay wax samafal ah  ka gaysan samatabixinta dadka ay abaaraha ba’ani ku dhufteen ee gobalada galbeedka iyo deegaano ka tirsan xeebaha gobalka Saaxil.

Dr.Sacad Cali Shire waxa uu  sheegay in aanay wali hayn  hay’ad  si toos ah uga soo jawaabta baaqii madaxweynaha ee abaaraha, waxaanu uu sheegay inay hay’adaha Qaramada Midoobay qabtaan oo kaliya  hawlahii ay qaban jireen balse aanay abaaraha wali waxba ka tarin dadka reer Somaliland.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirku waraysi gaar ah oo wargaysa Geeska Afrika kala yeeshay xaalda abaaraha, waxa kale oo wasiirku ka warmay kulan uu magaalada Nayroobi kaga qaybgalay oo ay isugu yimaadeen hay’addaha qaramada midoobay.

Wasiirka oo ugu horayn aanu waydiinay in ay jiraan haa’yado ka tirsan Qaramada Midoobay ama kuwa kale ee caalmiga ah oo ka soo tiraab celiyay  baaqyda abaaraha waxa uu yidhi“ Wax allaale iyo wax ay hay’adaha Jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ilaa imika ay ka qabteen oo gargaar ahi ma jirto, oo aan ahayn wixii ay awalba hore u qaban jireen oo waxyaabaha qaarkood ay yara kordhiyeen, wax ay si gaar ah  u qorsheeyeen oo gargaar ah xooga loo fidiyo dadkaas tabaaloobay ma jirto, laakiin qolada WFP waxay yidhaadeen waxaan ugu talo galnay 720 Tan  ilaa bisha 9-aad abaaraha ayay yidhaahdeen, Wax kale oo laakiin ka baxsan waxyaabahii ay qaban jireen oo na soo gaadhay ma jiraan, marka laga tago hay’adaha Islaamiga ah ee khayrigaa oo xooga qaybiyay walina wada xiligan Ramadaanta.”

Dr.Sacad Cali Shire oo ka waramaya kulan uu kaga qaybgalay magaalada Nayroobi waxa uu yidhi“Isniintii dhawayd waxan tagey Nayroobi, waxaanan baaqii madaxweynaha mar labaad ka soo jeediyay shir ay isugu yimaadeen hay’adaha qaramada midoobay, markaas way garawsadeen, waxaanay sheegeen in xafiisyadooda ku yaala Somaliland ay u soo sheegayeen inay dhibaatadaasu jirto, laakiin wax talaabo ah oo ay wali arinkaas ka qaadeen ma jirto, waxayse yidhaahdeen noo soo qora codsi, waanan qoraynaa inshaa allaah codsigaas.”

Ugu danbayntii wasiir Sacad Cali Shire oo aan waydiinay sida uu u arko hay’adaha tirada badan ee dalka jooga in aanay wax muuqda ka gaysan abaaraha waxa uu yidhi“Runtii wax cusub maaha ee kal horeba markii ay abaarahu inagu dhaceen ee biyo la’aanta badan khaasatan ay ka dhacday gobaladan bariga wax mucaawino ah oo la taaban karo kamaynaan helin, markaas gargaar la’aantu wax cusub maaha, hay’adahan samafalkuna way sameeyaan gargaar joogto ah oo imika WFP waxay quudisaa goobaha caafimaadka, Carruurta nafaqo daradu hayso, Dugsiyada qaar waxaas oo dhan way caawiyaan, laakiin taasi waa caawimo joogto ah mana aha kii aafada, markaas tacaawinkaas joogtada ah ee caafimaad iyo carruurta way sameeyaan oo wuu jiraa, ka runtii aan ku dhaliilaynaa ee ilaaa iyo hadda aanay wax weyn ka qaban waxa weeye kan aafooyinka, oo markay dhibaato weyni timaado sida abaaraha oo kale aanay sidii aynu u rabanay waxba inoogala qaban.”

Maaha markii u horaysay ee ay xukuumadda Somaliland sheegto inaanay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahi ee Hargesa degeni aanay waxba ka qaban abaaraha ba’an ee dalka ka jira, waxase wax lala yaabo ah inay hay’adaha mucaawinadu iska dhego mariyaan caawinta dadka tabaalaysan ee ay abaaruhu ku habsadeen.