Xukuumadda Oo Ganacsade Reer Togdheer Ah Ka Joojisay Inuu Dhiso Wershadda Sibidhka

25
3088

Burco(Geeska)-Ganacsade Maxamed Xaaji Axmed ayaa sheegay xukuumadu ka joojisay wershad sibidh oo uu ka dhisi lahaa tuulada Gabogabo oo ka tirsan gobalka Togdheer, ganacsadahan ayaa ku dhaliilay wasaarada ganacsiga inay dhibaataynayso ganacsatada isla markaasna ay hor istaagayso warshado dalka ku soo kordhin lahaa 400 oo shaqaale ah.

Ganacsade Maxamed Xaaji Axmed oo tilifishanka HCTV kula hadlaayay magaalada Burco waxa uu hadalkiisa ku bilaabay”Waa ay jirtaa wershadaas sibidhka ee aanu ka hirgalinaynay magaalada Gabogabo iyada oo hawl badan iyo tacab badan naga soo gaadhay, sibidhkiina uu meesha yaalo khubaro badana aanu keenay, sibidhkuna uu yahay mid dalka gudihiisa ah oo aanan dibadba u dirayn, markaas wasaarada ganacsiga ee Somaliland ayaa is hortaagtay, 46 cisho ayaa loo joogay, maabkii dhismaa waanu u gaynay, maalgashadayaashii waanu soo ururinaynay, waxiiba waa ay istaageen markii ay diideen oo dib u dhac ayaa ku dhacay, dhaliisha ugu faraha badan ee Somaliland haysataa mar walba waa wasaarada ganacsiga oo aad moodayso in aanay ganacsiga horgalayn oo aanay hogaaminayan, anagiina waanu ka cadhaysanahay deegaankiina waa uu ka cadhaysn yahay, waayo 300 ilaa 400 oo nin ayaa ka shaqayn lahaa, taasina waa waxtar weyn oo xooliina waa ay ka baxeen.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here